Moqdisho (Saxilnews)- Magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya waxaamaanta si rasmi ah u bilaabatay diiwaan galinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaan galiya noqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tagay xarunta Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ku taala xarunta Villa Hargeysa, waxa uuna si rasmi ah u buuxiyay sharuudaha laga doonayay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharax kasta oo isku soo sharaxaya ayaa laga doonayaa bixinta lacag dhan 30-kun Dollar oo diiwana galin ah, waxaa sidoo kale jira sharuudo kale oo laga doonayo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo 8-da bisha Febraayo ee soo socota, waxaana Dooarashada ku tartami doona Musharaxiin dhoor ah oo hami ka leh on talada dalka ay qabtaan.