Hargeysa(Saxilnews):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Ayaa Gudidda Abaaraha Heer Qaran Ee Somaliland Ku Dhaliilay Qaabkii Ay U Qaybiyeen Mucaawimadii Kala Duwanayd Ee La Soo Gaadhsiiyey Iyo Raaci-Taankii Waftigii Madaxwaynaha Somaliland Ee Ay Gudiddaasi U Raacday Socdaalkii Goboladda Bariga Somaliland.
Gudoomiye Cirro Oo Waraysi Dheer Siiyey Tvga Somali Cable Xilli Uu Ku Sugnaa Dalka Kenya Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ay Gudidda Abaaraha Ee Heer Qaran Oo Ay Ku Jirtey Lacagtii Ay Bixiyeen Ay Xisbiga Kulmiye Kula Ollaleeyeen Qaadhaankii Loogu Talo Galay In Ay Bulshada La Gaadhsiiso.
C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya Ayaa Yidhi.
“Wixii Aanu Anagu Awooddnay Ee Aanu Xisbi Ahaan Isku Ururinay Waxaanu U Dhiibney Gudidda Abaaraha Somaliland Ee Madaxwaynuhu Magacaabey Waxaanu Filaynay Gudidda Abaaruhu In Ay Si Madax Banaan Waxay Dadka Ka Ururiyeen Ee Ay Ka Mid Ahayd Tii Xataa Anagu Aanu U Dhiibney , Waxaanay Ahayd In Anagoo La Socon, Muuse Biixina La Soconin, Faysalna La Socon Ay Qaybiyaan,
Laakiin Dadka Waxa Ka Yaabiyey Gudiddii Qaranku U Magacaabey Abaaraha Oo Musharaxii Xisbiga Kulmiye La Socdo In Ay Soo Wada Wareegaan Oo Ay Magaalo Kasta Tagaan Ooy Tuulo Kasta Tagaan Iyaga Oo Markaa Qaybinaya Caawimadii Ay Dadka Ka Ururiyeen Xitaa Tii Aanu Bixinay Ku Jirto,”
Gudoomiyaha Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Sheegay In Lacagtii Ay Bixiyeen Laga Dhigey Mid Uu Xisbiga Kulmiye Bixiyey Isla Markaana Ay Gudiddu U Jan-Jeedho Dhinaca Xisbiga Kulmaiye.
“Markaa Waxay Ahayd In Aanay Anigana I Raacin Muusena Raacinbay Ahayd Wixii Laga Filaayey Laakiin Waxa Ku Jirey Mucaawimadii Ay Bixinayeen Dadku Tii Aanu Anagu Dhiibney Waxaana La Socday Musharaxii Xisbiga Kulmiye,
Waxaan Filayaa Dee Kolayba Intii Ay Qaybiyeen Maaha In Ay Gaadhsiiyeen Iyo In Aanay Gaadhsiin Ka Hadli Mayno Anagu Dee Waxaan Ka Hadlaynaa Musharax Ka Mid Ah Musharaxiintii Tartamaayey Iyo Guddigii Abaaruhu In Ay Is Raacaan Oo Ay Mucaawimaddii Dadku U Dhiibeen Iyo Tii Anagu Aanu U Dhiibney Ay Soo Wada Qaybiyaan Oo Markaa Ay U Eekaato Mucaawimo Kulmiye Bixiyey Oo Shacbiga Siinayay,”