Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Markii Sadexaad Muujiyey Taageerada Shacabkiisa Uhayaan Isla Markana Muujiyey Cuduuda Uu Kuleeyahay Somaliland

0
18

Burco(Saxilnews.com)-Siyaasiga Caanka Ah Ee Jamaal Cali Xuseen Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ayaa manta siwayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Waxaa Sidoo Kale lagu Soo Dhaweeyey Deeganada Udhexeeya Gobolada Togdheer Iyo Saaxil Kumanaan Dad Ah Oo Ku dhaqan Deeganadaasi Ayaa Isugu Soo Baxay Soo Dhawaynta Siyaasi Jamaal Dadku Waxay Ku dhawaaqayeen hadalo cajab galiyey waftigaasi Kuwaasi ku dhawaaqayey  (Halyey Soo Dhawoow Halkaad Martaanu Nahaye Soo Dhawoow)

Waxaana ruxaayeen calanka labada midabe ee kulmiye iyo sidoo kale boodhadh waawayn oo ay ku sawiran yihiin sawirada siyaasi Jamaal Cali Xuseen waxay kamid ahaa deeganada sida layaabka leh loogu soo dhaweeyey Degmada Sheekh Hudisa Laalays Geelookor Galoolay ilaa Xarunta Gobolka Togdheer Ee Burco oo kala kulmay Shacabi waynaha Gobolkaasi oo ay hogaaminayaan Maamulka gobolkaasi Waxaana loo galbilyey hotel cigaal ee magaalada Burco kadib markii ay ka dhaqaaqeen deeganka Galoolay kadib markii laysugu yimi Hoolka shirarka ee hotelkaasi waxaa soo buuxdhaafiyey kumanaankii dadka ahaa ilaa arooryadii hore diyaar ku ahaa tuulooyinka ku teedadsan jidhka isku xidha Degmada Sheekh ilaa Burco masuulyiinta Dawlada oo uu ugu horeeyey Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleeban Iyo Xogaha Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cuqaal iyo Salaadiin Ka kala Socda Ardaayada gobolka Togdheer ayaa Cod dheer kusoo dhaweeyey

  Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Waftigiisa waxayna Balanqaadeen inay la shaqaynayaan sidoo kalena waxay muujiyeen dareen xoogan oo ku aadan taageerada Xisbiga kulmiye saamaynta xoogan ee ku yeelan karaan garabka jamaal Cali Xuseen kuwaasi oo saadaliyey inay Guul wax ku ool ah kasoo hoydoonan doorashada soo socota Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadalka qaatay ayaa si wayn ugu mahadnaqay shacabka kala duwan ee soo dhaweeyey waxaa siwayn uga sheekeyey mudadii Uu siyaasida kujiray waxaanu yidhi waxaan ku faraxsanahay hadii aan shan sano musharax xisbi ku noqday halkay rag mudo dheer ku qaatay waxanan rajaynayaa inaynu guulaysan doono soona saaridoona Muuse Bixii Cabdi iyo xisbiga Kulmiye waxaa Lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku sugnaan doono magaalada Burco

Mukhtar A. Eesh-Qiyasak

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here