MUSHARAX JAMAAL CALI XUSEEN OO GOOL IYO EBER KAGA BADIYAY MUUSE BIIXI MEEL ILYARTU ISQABATAY

0
14
Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Gool Iyo Eber Kaga Badiyay Muuse Biixi Meel Ilyartu Isqabatay

Hargeisa (Saxilnews)-Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiyaha Xisbiga talada Dalka haye ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa weedho siyaasadanaysan isku waydaarsaday goob xaflad Waxbarasho ah oo ilyartu isqabatay,waxaana sida ay dadkii goobtaasi joogay u sacbiyeen Guushu ku raacday oo hadalka kaga dambeeyay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,oo sheegay in dalku u baahan yahay jiil cusub oo aduunka ka soo shaqeeyay oo wax soo kordhin kara,waxaanu soo jeediyay in siyaasiga marka ay da’diisu Konton gaadho uu iska nasto.

 
Goolaftankan iyo kaftankan siyaasadaysan ayaa waxa uu ka dhacay Shalay Xaflad qalin jabin ahayd oo Masuuliyiinta Jaamacada Hargeysi ay u qabteen 930-arday oo kuliyado kala duwan oo Jaamacadaasi ah ka qalin jabiyay. Waxa Xafladaasi hadalo laga siiyay Masuuliyiinta Saddexda Xisbi siyaasi ee Somaliland waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hadal dheer oo uu goobtaas ka jeediyay ugu dambayntii ku soo gunaanaday erayo siyaasadaysan,waxa uu ardaydii xaflaasi loo qabtay u sheegay inuu isagu ka mid yahay ardaydii ka Aflaxday ee wax ka baratay Jaamacadda Hargeysa islamarkaana waxa uu isagoo qosol raaciyay u dhex raaciyay in doorkan soo socda lagu taageero musharaxnimadiisa Kulmiye iyo Kursiga dalka looga arimiyo waxaanu yidhi “ Doorkan Waa inuu hogaanka dalka qabto la taageero nin Jaamacada Hargeysa wax ka bartay”.

 

 

 

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xusseen ayaa kadaba qaatay Muuse Biixi oo si kaftan leh ugu duur xulay inuu gaadhay da’dii nasashada,waxa kale oo uu sheegay in dalku u baahan yahay hogaamiyo dhaqaalaha aduunka wax ka soo qoray oo ka soo shaqeeyay waxaanu yidhi “Kaftan yar oo aan Muuse Ugu Jawaabayo ayaan ka hadlayaa anigu,“Nin Dhalinyaro ah ayaa waxa uu yidhi,Waar Ninyahaw,laba iyo Konton Jir ayaan ahay,Macalinkaygii Wuxuu Barigii aan yaraa igu odhan jiray Waxaad tahay Madaxda Mustaqbalka,wali Waa Wasiir ayuu yidhi,markaa goorma ayaan haddaba Madax noqonayaa ee aan gaadhayaa ayuu yidhi”. Waxa uu intaa raaciyay isagoo hadalkaasi siiwata “Hadaba waxaan u sheegayaa oo aan leeyahay odayaasha siyaasayiinta ah in xiligaa ay gaadheen,Haddii Todobaatan qofku gaadhana inuu iska nasto ayaa wanaagsan,dalku wuxuu u baahan yahay dad aragti dheer,firfircoon,jiil cusub ayuu u baahan yahay,dhaqaalaha aduunka wax ka qoray oo Caalamka ka soo shaqeeyay,Nin Halkan iska fadhiyay Looma baahna”.

 
Dadkii xaflalaasi joogay ayaa si weyn ugu sacbiyay Aqoonyahan Jamaal,aadna ugu bogay weedhaha siyaasadaysnaa ee uu Muuse Biixi ku ganay,markaliya ayay dadkii goobtaasi joogay sacab iyo mashxarad isla oogsadeen markii duurxulkaasi da’da iyo hogaanka dalku u baahan yahay uu Jamaal soo qaatay.

 

 

maxamed xasan

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here