Muqdisho: Warbaahinta Dowladda Oo Loo Beddelayo Mid Dadweyne

0
18

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhaqan galaya in warbaahinta dawladdu leedahay loo beddelo warbaahinta dadweynaha ama bulshada si ay si isku mid ah ugu tebiso wararka dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Sida uu dhigayo xeerka saxaafadda ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Soomaaliya qodobkiisa 32-aad waxaa adeegga warbaahinta bulshada ama dadweynuhu ka madax bannaan yahay danaha mas`uuliyiinta dowladda, farogelin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa warbaahinta.

Sidoo kale xeerku wuxuu dhigayaa in warbaahinta dadweynahu ay noqoto mid dhexdhexaad ah, xorna ka ah u xaglin siyaasadeed isla markaana aan buunbuunin u samayn urur siyaasadeed, hay’adaha dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed.

Warbaahinta hadda jirta ee ay dawladdu leedahay sida Telifishanka Qaranka, raadiyaha, Wargeyska Dalka iyo boggaga Internet-ka dhammaantood waxay tabiyaaan wararka iyo sheekooyinka magaca iyo sumcadda madaxda dawladda kor u qaadaya iyagoo iska diida dhaliilaha ka imaanaya bulshada iyo ururrada mucaaradka ah ee ku aaddan siyaasadda dowladda iyo madaxdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here