MUHIIMADA WARBAAHINTU U LEEDAHAY DAWLADA,GANACSIGA,BULSHADA,HORUMARKA IYO XAALADA MAANTA AY KU JIRTO Q1aad: W/Q: Farhan Mohamed Hassan (rakad)

0
42

saxaafadu waxay u taagan tahay inay soo gudbiso baahida saxda ah ama taariikhda saxda ah ee ka dhex jira bulshada qaybaheeda kala duwan taas oo soo gudbinaysa musawirka saxda ah, iyadoo u gudbinaysa cidkasta u baahan warbixin   sida dawlada , haayadaha kala duwan, ganacsatada, iyo shaqsiyaad gaaraba,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Bismillaahi raxmaani raxiim ilaahay baa mahad   leh ina siiyay awooda aynu wax ku qorayno , ina siiyay awooda aynu wax ku akhrinayno ,ina siiyayna maskaxda  iyo caqliga saliimka ah ee  aynu ku kala garanayno xumaha iyo samaha ………

Hordhac:

Warbaahintu waa ururo ama shaqsiyaad gaara kuwaas oo  ka dhex shaqeeya qaybaha kala duwan ee bulshada iyagoo  u kala gudbiya fikradaha iyo cabashooyinka  kana  dhex shaqeeya sida  dawlada, bulshada iyo ganacsiyada iyo wixii la hal maalaba una shaqeeya si dhex, dhexaadnimo,cadaalad,sugnaan iyo run sheegba.

Warbaahintu waa udub dhexaadka dawladnimo waana tiir ka mida tiirarka dawladanimo markastana  soo gudbiya waxkasta oo dalka iyo dadkaba ku cusub kuna sadhaysan xaqiiqada iyo wakhtiyada saxda ah ee loo baahan yahay.

Waa dad is xil qaamay oo si bilaasha ugu kala gudbiya wixii wara  ee dalka ka jiray dhamaan   dadka ku nool daafaha dunida ,kuwaas oo markasta diyaar u ah inay u soo jeedaan una saamalaylaan siday dadkooda ku nool daafaha dunida iyo dalkaba ay ugu gudbin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka jiray dalka iyo daafaha dunida .

Waa dad saacadkasta iyo sikinkasta diyaar u ah inay soo gudbiyaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka jiray  dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,kuwaas oo ay ka go,an tahay inay si siman dadkooda iyo dalkoodaba ugu shaqeeyaan.

Runtii sida aynu ognahay ma is waydiisay warkan ama akhbaarta aad maalinkasta ka akhrido warbaahinta qaybaheeda kala duwan xagay ka timaada? Yaa diyaariya , yaase soo ururiya dhibtee intee leeg ayaa loo maray in la helo war saxa.

Qofkastaa wuu ogyahay in warbaahintau tahay shaqo adag oo u baahan soo jeed iyo dulqaad taas oo markasta lagu mutaysto dil,xadhig,ciqaab iyo caga juglayn.

Xaqiiqadu waxay tahay warbaahintu waa dad ilaahay diray oo aan lahayn xaq iyo xuquuq waa dad hadh iyo habeen heegan ugu jira siday wax uga qori lahaayeen ama ugu gudbin lahaayeen lahaayeen bulshada kala duwan haday tahay  horumarka ka jira wadanka ,dhacdooyinka, cadaalada iyo cadaalad daradaba siyo waxkasata oo maalin ama saacad,sikin,intaba dhaca.

Waa dad u baahan hiil iyo taageero gaara, ugana baahan bulshada kala duwan, ganacsatada,haayadaha,iyo dawladaba.

Waa dad hadii shaqadooda la waayo aan la maqlayn waxkasta oo cusub ama aan la maqlayn horumarkasta oo cusub, iyo ganacsiyada dalka ku cusub. Tusaale ahaan waxa markasta aynu daawanaa warar joogaa , maaweelo, dhacdooyin iyo taariikho kala duwan, waxaana markasta inoo soo gudbiya waa warbaahinta, oo waxa suuro gal ah inaan dadka qaarkii seexan ilaa ay daawadaan TV ama war ama dhacdo ama taariikh.

Inaga  oo og xaladkasta oo ay ku jirto warabaahintu ayaa hadana waxa maalinkasta aad maqlaysaa wariye la dilay,la xidhay,ama loo caga jugleyay . iyagoon xaq loogu lahayn intaasba.

Warbaahintu waa  mid ka mida ilaha ay dadkeenu ka helaan waxkasta oo ay uga baahdaan , qofkasta oo nooli wuu jecel yahay inuu dhagaysto,akristo,maqlo,gudbiyo war iyo wixii dalka ka dhacayayba, qofkastaa wuu jecel yahay inuu fikiro , war iyo akhbaarna gudbiyo , taas oo aynaan hadana markasta  inagu adag tahay mahadnaqa iyo taagerista saxaafada .

Hadaba maxaynu  diyaar  ugu noqon waynay  inaynu u hiilino cidii warka inoo soo qaadaysay cidii waxkasta oo aynu jecel nahay inoo soo gudbinaysay   adigoo aqalkaagii dhex fadhiyana  ka dhex akhrisanaysay ama ka daawanaya wixii ka socday dalka iyo dibada ,

Hadaba waxa laynooga baahan yahay inaynu is garab taagno warbaahinteena inagoo ka dhicinayna waxkasta oo aan xaq loogu lahayn kuna taageerayna waxkasta oo sharciya , noqonana dad waxkasta oo sharciya taageera,waxkastoo sharci daro ahna ka soo hor jeesta.

XAALADA MAANTA AY KU JIRTO SAXAAFADU

Xaalada maanta  ay ku jirto saxafadu waa mid aad u adag taas oo ay kala kulmaan dil,xadhig,ganaax,caga juglayn taas oo ay kala kulmaan dawlada iyo haayadaha sirdoonka qaybaheeda kala duwan. Inkastoo  madaxweyne siilaanyo ku faani jiray intii uu mucaaridka ahaa inay dulmantahay saxaafadu laakiin  anigu  waxaan leeyahay maanta ayay dulman tahay saxaafada iyo cidkasta oo ku shaqo leh . waayo waynu ognahay inta  jaraa,id ee albaabada loo laabay  iyo inta loo caga jugleeyay  iyo inta la xidhayba. Waxaana tusaale kuugu filan sida Wargeysyada  Hubaal iyo Haatufba  loo galay  taas oo hoos u dhigtay dimuqraadiyadii aynu ku faani  jirnay,  Maanta waxay Saxaafadu  u baahan tahay codka shacabka oo u hiiliyo iyo cidkasta oo taageerta saxaafada guud ahaanteedba.

LA SOCO QAYBTA DAMBE…………………….……………

Information about author

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 2522-634400319

Social activist

Thank you all

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here