Mooshin Xil Ka Qaadis ah oo laga keenay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud;;;;

0
24

Muqdisho (Saxilnews.com)..Tiro kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoonka Golaha u gudbiyey mooshin ah in xilka laga qaado Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo lagu soo eedeeyey Xad-gudubyo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya (Khiyaano Qaran) iyo jabinta qodobada Dastuurka dalka.

Qoraalka Xilka ka qaadista ah oo ay Xildhibaanada soo gudbiyeen ayaa waxaa ku xusan in Madaxweynaha uu jabiyey Dastuurka Soomaaliya, isla markaana uu horseeday in caqabado ku yimaadaan nabadeyntii iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale Musuq maasuq baaxadleh oo lagu eedeeyey Madaxweynaha shaqsiyan, waxaana taasi usii dheer eedeynmo ah in lagu tuntay Dastuurka dalka oo uu Madaxweynaha la wareegay Awoodii, Baarlamaanka iyo Xukuumada.

Eedeynta ku qoran nuqulka mooshinka ee lasoo gudbiyey ayaa waxaa kamid ah in dhamaan Raysalwasaarayaashii uu Madaxweynaha Soomaaliya soo magacaabay iyo xukuumadahooda ku fashileen inay fuliyaan wixii loo igmaday.

Xildhibaanada ayaa cuskaday qodobo kamid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qodobka XIL KA QAADISTA Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka oo u qoran sidatan;

“….Xil Ka qaadista Madaxweynaha JFS waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano Qaran, Xad gudub culus oo Dastuuri ah, ama ku xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya….”

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey inuu sidoo kale gebi ahaan la wareegay hawlihii Xukuumada iyadoo la sheegay Xafiiska uu Madaxweynaha sameeyey ee loo yaqaan (Policy Unit) oo si toos ah farah kula jiray shaqada Xukuumada. Waxaana la sheegay in musuq mmaasuq baahsan oo lagu kacay lagu lunsaday hantidii Qaranka.

Waxaa Tusaale loo soo qaatay Warqado uu Qoray Xafiiska Madaxweynaha oo uu ku weydiisanayo in lagu soo wareejiyo dhamaan Hantiada Qaranka ee taala dibada, isagoo aan hawshan u marin ama kala tashan hay’adaha u xilsaaran arrimahan ee Xukuumada.

Heeshiiskii Soma Oil & Gas ayaa kamid ah qodobada lagu eedeeyey inuu Madaxweynaha iyo Xafuladiisa si gaar ah ulla galeen shirkadaasi oo ay hada ku socoto baaritaan la xariira Musuq maasuqa.

By mahamed hassan aadam(faradeero)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here