Milicsiga Maalmihii iyo marxaladihii ay dhashay 18 May Qaybtii 3aad

0
105

Shirweynihii Boorama waxa uu aasaas buuxa iyo ambo-qaad dhisme dawladdeed u noqday Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee aynu u dabaal-degayno sanad-guuraddiisii 32 ee dib ula soo noqoshada xornimadiisa, goleyaashii halkaa waa shirkii Boorama’e 1993-kiiye lagu yagleelkooda lagu abuurayna waa kuwa innoo dhisan, iyadoo 1995-1996kii, Dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay gaar ahaan Hargeysa iyo Burco markii laga heshiiyey beelihii dalku mar labaad shir-weyne u fadhiisteen1997kii magaalada caasimadda ee Hargeysa si loo soo dhiso golayaal cusub, (Baarlamaan iyo Guurti). Madaxweyne iyo madaxwyne ku-xigeen.

Waxaana mar kale halkan Hargeysa lagu dhisay Golleyaashii fulinta iyo xeer-dejinta ee Waddanka oo ka koobnaa madax cusub iyo kuwii Boorama lagu soo doortay oo ay xubno ka soo noqdeen. hay’addahasi waxay ahaayeen kuwii ugu dambeeyey lagu xullay nidaamkii hab-beelleedka ku salaysnaa ee sooyaalka dhismaha dawladdeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana mar walba manjaraha u hayey hawlaha Doorashooyinka iyo go’aaminta cidda loo dhiibayo talada Odayaashii cuquusha bulshada, aqoonyahankii iyo siyaasiyiintii Dalka oo fulinayey rabitaanka shacbiga.
Shirka dawlad-dhiska Hargeysa, waxa mar kale madaxweyne loogu doortay alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda 1993 ilaa 2002-dii oo uu isagoo xilka haya geeriyooday.
Cabdiraxmaan Aw-Cali oo madaxweyne ku-xigeen ahaa ayaa meesha ka baxay waxana lagu beddelay Daahir Rayaale Kaahin. Waxa kale oo meesha ka baxay guddoomiyihii Baarlamanka waxaana beddelay Mudane Axmad Maxamad Aadan (Qaybe). Qabaa?ilka Somaliland saami-qay bsigaa bay heshiis ku ahaayeen kuna soo caano maaleen tobankii sannadood ee u horeeyey ee dhismaha nidaamka dawladdeed.

Hase yeeshee markii laga soo gudbay shirweynihii 3aad ee hab-beelleed, waxa ay xukuumaddii alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u hawlgashay sidii distoor waddanku ku dhaqmo oo heshiis lagu wada yahay loo qori lahaa, loona meel-marin lahaa, waxaana markii distoorka la dhamays-tiray la furay ururradii siyaasadda si dalku ugu guurro nidaam Doorasho oo qof iyo cod ah, waxaanay dadka reer Somaliland u dareerreen markii ugu horay Aftidii Dastuurka bishii May 2001-dii, taasoo ay boqolkiiba todoba iyo Sagaashan (97%) ugu codeeyeen inay ogolaadeen in lagu dhaqmo.

Laga soo bilaabo aftida Dastuurka waddanku wuxuu u soo jihaystay hannaanka Doorashooyinka qof iyo cod ee dimuquraadiga ah, taasoo ka soo bilaabantay bishii Diseember 2OO2-dii oo loo dareeray doorashadii u horreysay ee golayaasha deegaanka oo ay ku lamaanayd tii ururrada siyaasadda oo ay ka soo baxeen saddexdii xisbi qaran ee ugu horeeyey.

Doorashadaas Ururradii tartanka ka qaybgalay waxa marxalada xisbi u soo gudbay saddexdii xisbi-qaran ee kala ahaa Udub,Kulmiye iyo Ucid.

Ururradii ku hadhay Doorashadaas waxa kamid ahaa, ASAD, HORMUUD iyo HORSEED oo ay kala hogaaminayeen siyaasiyiin waaweyn oo ay qaarkood xilal ka hayaan goleyaasha Qaranka, kuwana hormuud u yihiin aasaaseyaasha ururrada cusub ee sanadkan isu-diwaangeliyey Doorashada tooska ah ee asxaabta Qaranka ee soo socota.
Laga soo bilaabo Doorashadaas aynu kor ku soo xusnay oo dhacday 21 sannadood ka hor waxa waddanka ka qabsoomay saddex Doorasho madaxweyne, saddex Doorasho gole deegaan (Dawladdaha hoose), laba Doorasho gole Baarlamaan(Golaha Wakiillada) iyo saddex jeer oo la doortay Asxaab cusub oo qaran, waxaana dhamaan Doorashooyinkaas si xor iyo xalaal ah ugu codeeyey Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo muddadaas dhismay oo aan wax ka dhimani jirin dhamaan hay’addihii Dawladnimada u ahaa Uduba, dhiggaha iyo Loolka, sida Ciidamada Qalabka sida oo kala ah, Milateriga ama Ciidanka qaranka ee difaaca Beriga iyo Badda, Bilayska nabad-gelyada gudaha, Sirdoonka, laanta socdaalka iyo laamaha kale ee amniga. Waxa kale oo dalku yeeshay lacag u gaar ah, Hay’addo dawladdeed oo dhaqaalaha maamula iyo kuwo gaar loo leeyahay oo ku hana-qaaday dawladnimada, Isgaadhsiin iyo guud ahaan xubnihii Dal ku noollaan lahaa.

Haddaba akhristeyaal, Doorashooyinkaasi waxay udub-dhexaad u ahaayeen, Xasilooni siyaasaddeed iyo dhismaha dawlad Qaran ah oo uu adduunku si mug iyo miisaan leh ula dhacay nidaamkeeda siyaasaddeed, isla markaana gaadhay figta u saraysa re ee dimuquraadiyada iyo daah-furnaanta Doorashooyinka caalamka, iyada oo aan la aqoonsanayn, hellina taageero caalami ah iyo isku-filnaanshiyo dhaqaale oo ay umaddeed faqriga kaga baxdo. Xilliga uu dalku jarayey Xawaaraha dhismaha maamul ee heerkaasi gaadhsiisan, waxa mar walba jiray duruufo dhaqaale-xumo, iyadoo wakhtiyada qaar xaaladu ahayd sagxada oo aanay waxba ka uumanayn kaabeyaasha Dhaqaalaha dawlad iyo shacab toona,ahaydna marxalad faro-madhnaan loogu soo noqday magaalooyinkii ku burburay Dagaalladii dalka lagu xoreeyey, iyagoo ah guryo dumay iyo gawaan cidlo ah. Waxaase wax alle loogu mahad-naqo ah inaynu 32 sannadood kaddib maanta u dabaal-deggayno gooni-isutaagga Qaran ku naalloonaya Dawladnimo buuxda, horumar dhinac walba ah iyo bulsho kortay oo aqoon iyo adduunba ku ladan.

La soco

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here