MIKEL ARTETA OO KAGA FARXIYAY JAMAAHIIRTA ARSENAL QORSHIHIISA SUUQA KALA IIBSIGA XAGAAG

0
19

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa jamaahiirta kooxdiisa kaga yaabsaday kadib markii uu sheegay in ayna shaqadii ay suuqa kala iibsiga ka qabanayeen ayna wali dhamaan oo ay sii wadi doonaan in ay shaqo badan ka qabtaan suuqa kala iibsiga.

Arteta ayaa sidoo kale jamaahiirta Gunners qalbiga ugu dajiyay in xaalada kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang ay meel fiican marayso wuxuuna tilmaamay in ay jiri doonaan ciyaartoy kooxda ku sii biiri doona iyo kuwo ay ka diri doonaan Emirates Stadium.

Arsenal ayaa 22 milyan kula soo wareegtay difaaca Gabriel Magalhaes waxayna sidoo kale si xor ah kula saxiixdeen Willian oo Chelsea ka soo baxay laakiin Gunners waxay wali doonaysaa saxiixyada Thomas Partey iyo Houssem Aouar.

Tababare Arteta oo jamaahiirta kooxdiisa Gunners kaga farxinaya in ay suuqa ku sii jiri doonaan ayaa yidhi: “Anagu waxaanu wali si firfircoon ugu sii jiraynaa suuqa, waxaanu raadinaynaa doorashooyin kala duwan”.

Arteta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaanu si firfircoon ugu jiraynaa suuqa ee ciyaartoyda imanaysa iyo kuwa baxaya, waqti xaadirkan dheeli tirnaanta kooxdu mid haboon ma aha”.

“Waxaa wali jirta shaqo ay tahay in la qabto, laakiin waa in aan maskaxda ku haynaa tartanka suuqa kala iibsiga ee adkaanshaha iyo waqtiyaynta, sababtoo ah waxaad arkaysaa in ay kooxuhu qaabab kala duwan u dhaqmayaan, waana yara hubaal la’aan sida ay tani horumar u samayn doonto dhawrka todobaad ee soo socda” ayuu Arteta hadalkiisa raaciyay.

Mikel Arteta ayaa kooxdiisa ku haysta tiro ciyaartoy oo ka badan inta uu u baahan yahay waxaana jira qorshayaal ay Gunners ku doonayso in ay kooxdeeda kaga dirto xidigo aanu Arteta doonayn si ay u helaan saxiixyo cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here