Midowga Yurub Oo Si Kulul Uga Hadlay Dilkii Somaliland Ku Fulisay Lix Qof

0
21

Khamiistii lasoo dhaafay Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku fuliyay lix Rag ah oo hore Maxkamadda xukuno dil ah ugu riday, kadib markii deegaano ka tirsan dalka Somaliland ay ka geysteen dilal qorsheysan.

Midowga Yurub ayaa si kulul uga hadlay tallaabada ay Somaliland xukunkii dilka toogashada ugu fulisay Lixda qof oo in muddo ah ku xidhnaa xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, iyagoona khamiistii la dilay.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin xukunka toogashada ahaa ee lagu fuliyay raggaas, iyagooan tilmaamay in kasoo horjeedan go’aankii ay qaataday Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda ‘ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka waxayna ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yidhi Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Raggan xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxaa toogashadooda codsaday in loo qisaaso ehelada dadkii ay hore u dileen, kadib markii ay diideen in ay ka qaataan mag ama diyo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qalinka ku duugay in la toogto raggaas xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxaana weli xabsiyada Somaliland ku xidhan rag kale oo iyana ku xukuman xukuno dil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here