MID KA MID AH TAHRIIBEYAASHII LA SOCDAY DOONIDII LAGU HOOBTAY OO WARBAAHINTA U WARAMAY

0
24

Koox kabadan 40 qof oo Bariga Afrika ka tahriibay, ayaa la badbaadiyay ayagoo isku deyaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.52C79EBA-5F15-4964-80BC-76A226152AA0_mw1024_s_n

Waxa ay sheegeen in boqollaal qof oo ay isla socdeen ay qarqameen kaddib markii ay degtay doonta.

Dadka ka badbaaday, oo hadda lagu hayo dalka Giriigga waxa ay BBC-da u sheegeen in 200 oo kamid ah ay ka soo safreen dhanka Liibiya.

Waxa ay sheegayaan, markii ay bartamaha badda gaareen, in dadkii soo tahriibiyay ay u sheegeen in doon kale ay ku wareegaan, middaas oo horey ay u saarnaayeen qiyaastii 300 oo qof oo kale.

Waxa ay sheegayaan in doonta ay degtay habeen barkii, kaddibna waxaa badbaadiyay Markab ganacsi.

Maamul arrintaasi weli xaqiijiyay majiro, hay’adda qaxootiga ee UNHCR waxa ay Tweeter keeda ku qortay in wararkaasi ay u muuqdaan kuwa aan sax ahayn.

Halkan Guji Oo Dhagayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here