Mayar Saleebaan Xasan Xaddi iyo Shacabka reer Borama waa kala Maan.
Shacabka reer Borama ayaa ku hungoobay maayaro dhawr ah oo is xig xigay , waxay ahayd 2012 markii ay doorteen gole deegan oo u badan dhalinyaro , kuwaasi oo ay aad ugu hanwaynaayeen in ay wax ka taraan baahiyaha aas aasiga ee degaanka loo soo doortay , golahaasi ayaa iska dhex doortay nin dhalinyaro ah oo in muda ah ku soo jiray hawlaha bini Aadanimo iyo ururada dhalinayarada somaliland , taasi oo ay filayeen in khibradiisii hore iyo firfircooni ay ku tuhmayeen ay horseedi doonto in u noqdo maayar la mahadiyo , taariikhda magaaladuna ay xusi doonto.
Taasi badalkeed waxaa meesha yimid , golihii deegaan ee ugu liitay intii xukuumadi ka soo talinaysay Degmada Borama,taasi waxaa u sii dheer , mayar Saleebaan Xasan Xaddi oo markaad dadwaynaha reer Borama aragtidooda wax ka waydiiso ay adagtahay waxay ku sifeeyaanba, mar aan shaqaalaha dawlada hose ee Borama wax ka waydiyey dareenkooda ku aadan mayar saleeban iyo wax qabadkiisa ayaa waxay carabaabeen in tan iyo 1984 aw yahay maayarkii ugu liitay uguna waxqabad yaraa , isla markaan ugu soo xaadirida yaraa xafiiskiisa, uguna khilaafka badnaa , mayar saleeban ayey ku sifyeen nin inta u soo shaqo tago xafiiskiisa iyo inta u joogo haragaysa ay is legtahay wax kale oo ay farta ku fiiqeen in hantibadan oo shacabka wax loogu qaban lahaa uu ku ilaaliyo kursigiisa.
Mar aan golaha deeganka ee degamada oo iyaga u rakaadiyey khilaaf fogaaday oo sobobay in dhamaan shaqooyinkii dowalada hoose joogsadaa ayaa ku sifeeyey maayar saleeban shaqsi aan meel loogu soo hagaago aan lahayn kana madhan dhiiranaanta iyo inuu go aan ka gaadho arin hortaala.
Beesha Mayar saleeban uu ka soo jeedo ayaa iyadu geed dheer iyo geed gaaban u fuushay in ay difaacdo maayarka kuna xajiyaan booska shaqo ee u dayacay.Horumar laaanta baahsan ee ka jirta magaalada Borama oo gabi ahaanba masuuliyadeeda u leeyahay hormuudka dawlada hoose ee Borama.Maayar saleeban ayey dhalinyarada horay u yaqaanay ku tilmaameen inuu ahaan jiray nin firfircoon oo dhiiran ayna filayeen in ay Reer Borama ay mahadindoonta , haatanse waxay indhahoodo arkayaan ay tahay waxa aanay marnaba maanka horay ugu qaban.
Horumarka dagmooyinka iyo deeganada ayaa la sheegay liis ay soo saartay wasaarada arimaha gudaha iyo mashruuca JPLG ee horumarinta degmooyinka in magaalada Borama degmooyinka somaliland ay ka gashay kaalitnta ugu hoosaysa halka degmada saylac ya ka gashay kaalinta koobaad degmooyinkii ka faadidaystay mashruucaasi.
Magaalada Borama oo ay shaqo laaan baahasan oo ka badan tani gobolada kale ka jirto ayaan iyagu hungi ka galin in ay shaqo u doontaa dawladaha hoose ee Borama sobobtoo ah , shaqaalah dawlada hoose ee Borama ayaa mishaarkoodu yahay mid marwalba hagad iyo lacag baa la waayey ku taagantahay.
Guntii iyo gunaanadkii maqaalkaygan waxaan dawlada dhex iyo wasaarada arimaha gudaha shacabka reer boorama codsi ugu jeedinayaan in ay ka soo gaadhaan maayar saleeba iyo budhcad dadeedka ku xeeran.
Cusmaan Cali Waayeel
Borama. somaliland