Waxaana maalinkaasi dhagaysiga dacwada kazoo xaadiraya labada garan ee khilaafku u dhaxeeyo iyadan oona maxkamaddu dhagaysan doonto khilaafkaaasi isla markaana kazoo saari doonto go’aan kama danbays ah oo noqonaya go’aan dabar u noqda khilaafkan ragaadiyay xisbiga UCID.
Bulshada somaliland gaar ahaana shacabka magaalada hargeysa ayaa saaka ilaa shalay aad u hadal hayay natiijada kazoo baxi doonta garnaqa khilaafkan u dhaxeeya labada masuul oo ay dhagaysigeeda gacanta ku hayso maxkamadda sare isla markaana maxkamaddu u mudaysay inay bilaabi doonto 18 bishan aynu ku guda jirno.
Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa isagu usoo gudbiyay maxkamadda sare dacwada kadib markii uu saluugay ambiil-na ka qaatay go’aan ay khilaafka xisbiga kazoo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasadda Somaliland oo ahaa in la qabto shirwayne lagu dooranayo musharaxa xisbiga iyo jagooyinka ka banaan xisbiga uuna kamid yahay gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID.