Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Ninkii Dilay Taliyihii Ciidanka Nabad-sugida Gobolka Shabeelaha Dhexe

0
17

Muqdisho (Saxilnews) Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  ayaa saaka dil toogasho ku fulisay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Sh/Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.

Taliyihii nabadsugida gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.

Yuusuf Xuseen Maxamuud ayaa ka tirsanaa Ilaalada Taliyaha nabadsugida ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmo kaddib dil toogasho ku xukuntay ninkii, kaddib markii ay ku cadaatay dilka Taliyihii Nabadsugida.

Dilkan ayaa saaka ka dhacay fagaaraha School Polizio, halkaasoo ay ka dhacaan xukunada dilka ay fuliso Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here