Maxbuuskii iyo askariyaddii ilaalinaysay ee wada baxsaday oo la ogaaday inuu xiriir jacayl ka dhaxeeyay

0
31

Maxbuuska iyo waardiyaha looga shakisan yahay inay caawinaysay ayaa lahaa ‘xiriir gaar ah’, sida ay sheegeen baareyaasha.

Warka ka soo baxay xafiiska booliska ee Alabama ayaa lagu sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay xaqiijiyeen xiriirkooda, balse ma aysan shaacin heerka uu jaceylkoodu gaarsiisan yahay.

Haweeneyda askariga ah ayay Jimcadii ahayd maalinteedii ugu dambeysay ee shaqada.

Rick Singleton oo ah taliyaha saldhigga Lauderdale ayaa sheegay in bil ka hor ay Vicki iibisay gurigeeda, ayna hadal-heysay inay qorsheyneyso inay u guurto xeebta.

Baareyaashu waxay xogta ka heleen maxaabiista ku jirta Xarunta Asluubta ee Degmada Lauderdale, kuwaas oo sheegay in uu jiray xiriir gaar ah oo u dhexeeya Vicki White iyo Casey White,” ayuu yiri Rick Singleton oo ah taliyaha saldhigga Lauderdale

“Xiriirkaas hadda waxaa lagu xaqiijiyay baaritaan aan ku sameynay ilo madax-bannaan oo kala duwan,” ayuu yiri taliyaha.

Ninka baxsadka ah haweeneyda askariga ah waxaa markii ugu dambeysay subixii Jimcaha lagu arkay saldhigga booliska Lauderdale ee Alabama.

Vicki ayaa sheegtay inay maxbuuska u waddo xarun caafimaad oo lagula socdo xaaladaha dhimirka, hase yeeshee, saraakiisha ayaa dib ka ogaaday in aysan arrintaas ku jirin qorshaha xarunta ee ballamaha.

Taliska ayaa ka digay in ninka baxsadka ah uu yahay ‘nin hubeysan oo halis ah’ – waxaa suurtagal ah inuu adeegsan karo hubka askariga la baxsaday.

Waaxda xabsiyada ayaa abaalmarin $10,000 u ballan-qaadday cid kasta oo ku soo wargelisa xog horseedi karta in dib loo soo xiro Casey White ama halka ay joogto Vicki White.

‘Waxay ahayd shaqaale muhiim ah balse haatan waa baxsad lagu raad joogo’

Haweeneyda askariga ah ayaa la shaqeyneysay waaxda ilaaladaha maxaabiista muddo 25 sano ah, waxay ahayd kaaliyaha agaasimaha, qeyb ka mid ah shaqadeedana waxay ahayd inay isku dubbariddo gaadiidka maxaabiista lagu geeyo maxkamadaha.

Arrin iska caadi ah ma aha in qof dacwado waaweyn loo haysto uu kaxeeyo hal askari oo keliya, sida uu sheegay Singleton. Siyaasaddooda waxay dhigeysaa in ugu yaraan ay labo askari weheliso maxbuuska.

Waxa uu intaa ku daray in Ms White loo malaynayo inay isticmaalayso lacag caddaan ah, oo ay damisay telefoonkeedii gacanta. “Adeegga sirta ee Maraykanku waxa uu ka caawinayaa in ay la socdaan xogteeda maaliyadeed,” ayuu yiri.

“Waan ku aamini lahaa Vicky noloshayda. Runtii oo iga dhab ah,” ayuu xeer-ilaaliyaha degmada Lauderdale Chris Connolly u sheegay suxufiyiinta. “Haddii aan wax uga baahanno xabsiga, waxay ahayd qof aan ku tashanno oo shaqaale adag ah. Taas waa sababta aad looga naxay.”

Casey White waxaa bishii Sebtembar ee 2020-kii lagu soo oogay dil uu toorrey u adeegsaday kaas oo uu ku beegsaday Connie Ridgeway oo 58 jir ah. Waxa uu ku xukunnaa 75 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay sanadkii 2015. Waxaa lagu eedeeyay inuu qirtay dilka, laakiin markii dambe wuu diiday sababo la xiriira in aysan maskaxdiisa joogin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here