Maxay tahay sababta boqollaalka milateriga Nigeria ay ciidammada isaga-casilayaan?

0
25
A group of Nigerian soldiers
Qoraalka sawirka,Milateriga Nigeria ayaa dagaal culus kula jira ururka Boko Xaraam

In ka badan 350 askari oo Nigerian ah ayaa waxa ay si rasmi ah isaga casili doonaan milateriga dalkaas, sababtoo ah waxa ay aanay kalsooni ku qabin hoggaankooda iyo dhiirigelinta ciidammada la siiyo oo liidata awadeed.

Ciidammada ayaa waxa ay isaga tegi doonaan xarumahooda bilowga Janaayo ee sanadka soo aaddan.

Mushaarka la siiyo askarta milateriga oo aad u hooseeya, daryeel la’aan iyo taageero farsamo oo aanan jirin ayaa ka mid ah waxyaabaha ay ka cabanayaan askarta aanan darajada lahayn ee milateriga Nigeria.

Waqtiyadii hore milateriga Nigeria waxa uu hakiyay inuu meelmariyo araajida askarta doonaysa inay iskood uga fariistaan howlaha ciidammada, iyadoo qaar ka mid ah ciidammada lagu eedeeyay inay jilicsanyihiin misana ay xagaldaacinayaan ciidammada waa marka ay dhaleeceeyaan hoggaanka milateriga.

Bulama Bukarti, oo ah qareen xuquuqda aadanaha u dooda sidoo kalana falanqeeya arrimaha Boko Xaraam, ayaa waxa uu BBCda u sheegay in askar badan ay doonayaan inay ciidammada isaga baxaan hasayeeshee araajidooda aanan weli la ansixin.

Hogaamiyaha Boko Xaraam Abubakar Shekau

Nigeria waxa ay muddo toban sanadood ah dagaal kula jirtaa ururka xagjirka ah ee Boko Xaraam ee ka dagaalama qeyba ka mid ah dalkaasi.

Milateriga ayaa si joogta ah waxa uu u sheegtaa in fallaagada si weyn loogaga adkaaday, badanaana waxa uu milaterigu qariyaa khasaaraha soo gaara.

Milateriga Nigeria ayaa la dagaalamayay fallaagada tan iyo 2009

Qoraalka sawirka,Milateriga Nigeria ayaa la dagaalamayay fallaagada tan iyo 2009

Hasayeeshee sida dhabta ah kooxaha fallaagada waxa ay sii wadaan inay weerraraan milateriga iyo inay si joogta ah weerraro ugu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah.

Bartamihii todobaadkii hore in ka badan 30 askari ayaa waxaa lagu soo warramay in lagu dilay weerrar gaadma ah oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka xagjirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here