Ragga ayay u badan tahay in ay ka been sheeg badan yihiin dumarka, kuwaasi oo aanba dareemin in ay qalad galeen marka ay beenta sheegaan. Sidaasi waxaa sheegaysa daraad la soo saaray.
Cilmi-baarayaasha ayaa ogaaday in ragga Britain ay isku celcelsi ahaan ay maalintii sheegaan 3 been taas oo u dhiganta 1,092 sanadkiiba.
Dhanka kale dumarka ayaa u muuqda in ay ka been sheeg yar yihiin ragga sabatoo ah iyaga sanadkii waxa ay been sheegaan 728 goor taas oo isku celcelis ahaan u dhiganta laba goor maalintiiba.
Inta badan waxaa been loo sheegaa hooyooyinka, sida ay sheegtay daraasadda.
Boqolkiiba shan iyo labaatan ragga ayaa been u sheega hooyooyibkooda, halka dumarka ay ka yihiin boqolkiiba labaatan.
- Waddankee ugu horeeya sinaanta ragga iyo dumarka?
- Dhallinyarada duleedka Garowe u tamashle taga oo loo digay
- Dumar difaacay qaabka “xodxodashada” ragga
Boqolkiiba 10 ayaa sheegay in ay lamaanahooda been u sheegaan.
Balse hadana marka dhankaa la eego ragga ayaa xaaskooda been badan u sheega marka la barbar dhigo tan dumarka ay seeygooda u sheegaan.
Dumarka ayaa waxa ay dareemaan ceeb ama in ay qalad sameeyeen kadib markii ay sheegaan been.
Boqolkiba siddeetan ayaa sheega in ay sharaftooda hoos u dhacaday marka loo barbardhigo ragga