Haddii aad dhex qaaddo maalmaha Arbacada ah baraha bulshada ee dadka reer Tunisiya, waxaad ku arkaysaa sawirrada dumar badan oo afka marsaday xammuurad cas.
Waxaad sidoo kale arkaysaa inuu sawirradaa ku ladhan yahay erayga ah “Debno cas” iyo sidoo kale magaca “Mariem Bouzid.” Maxaa hadaba u sabab ah arintan?
Dhacdadani waxay ku bilaabantay qoraal ay Facebook ku baahisay Meriem Bouzid oo ah bare jaamacadeed oo dhigta Falsafadda. Waxaanay qoraalkaa ku tidhi “waxa la ii diiday in aan ilaaliyo ardayda u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadada koowaad maadaama oo bare aan wada shaqaynaa dhibsaday sida aan ula dhaqmayo ardayda aan ilaalinayo” maadaama oo ay isaga la noqotay in “aanan si haboon uga soo baxayn”.
Hadana mar kale ayey Meriem qoraal kale ku baahisay Facebook oo ay ku sheegayso in ay ogaatay sababta dhabta ah ee loogu diiday in ay ardaydaa ilaalisaa tahay “in uu dhibsaday macalinkaa ay wada shaqeeyaan labbiskeeda iyo xammuuradda ay debnaha marsatay oo ay isaga la noqotay in aanay ku habboonayn [goob wax barasho]” sida uu u xaqiijiyey “maamulku”.
Laakiin mar dambe ayaa warbaahintu xog ay ka soo xigatay masuul ka tirsan wasaaradda waxbarashadu, tibaaxday in arintaa lagu hadal hayey baraha bulshadu aanay dhab ahayn. Runtuna tahay is maandhaaf dhex maray macallimada iyo macalinka ay wada shaqeeyaan oo ku saabsan sida ay ula hadlayso ardadayda iyo dhaqan gelinta qawaaniinta ee goobta imtixaanka.
Arintaa uu sheegayna waxay ahayd sida ay dadka qaarkood sheegayaan hadal laga soo xigtay barayaasha jaamacaddaa arintu ka dhacday qaarkood.
Ololaha “Xamuurradda Afka”
Qoraalkaa ay Meriem ku baahisay Facebooka, ayaa dad badan dareenkooda taabtay waxaana ka falceliyey oo faallooyin ka bixiyey boqolaal qof oo ka cadhaysan hab dhaqanka macalinkaas. Sidoo kale waxay ka cadhoodeen sida ay goobtaa waxbarasho uga falcelisay [cabashada macalimadda] waxaanay bilaabeen in ay dhaleeceeyaan waxa ay ku tilmaamen “bulsho aaminsan aragtida ragga oo neceb haweenka iyo quruxdaba.” Waxaanay bilaabeen haween ay rag taageerayaan ololaha “Xammuuradda Afka”.
Haween badan ayaa bogagga ay ku leeyihiin baraha bulshada waxay ku soo bandhigeen sawirradooda iyaga oo xamuurad cas debnaha marsaday, oo qaarkoodna ay la socdaan erayo ammaanaya quruxda, jacaylka nolosha iyo halganka.
Kuwo kale ayaa iyaguna ku ladhay erayo la yaab iyo cadho ah iyo xataa mararka qaarkood kuwo cay ah oo ku wajahan qof kasta oo quruxda dumarka u arka dembi ama “diin ka bax.”
Laakiin koox kale ayaa isku dayey in ay soo bandhigaan aragtida dhanka kale ee ku saabsan sida wax u dhaceen oo ay ku sheegeen in aan wuxuba dhaafsiisnayn khilaaf ku saabsan qaabka ay ardaydu u dhaqmayaan marka ay imtixaanka geliyaan.
Taageero muujisay kala qaybsanaan
Erayga taageero waxa uu muujiyaa isku duubni iyo aragti midaysan, laakiin marka aad eegto aragtida kale waxaa muuqanaysa in kala qaybsanaanta jirta aan taageerada hal-hayskeedu noqday “ololaha xammuuraddu” waxba ka tarayn.
Ololahan oo ay ka qayb galeen dumar iyo rag ba ayaa waxa ka muuqday cadho iyo fariimo macneyaal dahsoon sida.
Ololahan oo si degdeg ah ugu fiday baraha bulshada isaga oo ay ka muuqatay in aanu si talo gal ah ku bilaamin, ayaa hadana aad moodaysay inuu safmar ku noqday haweenka.
Waxaana meesha ka baxay magacii Meriem iyo macallinkii ay wadashaqaynayeen oo ahaa labada qof ee khilaafkoodu dhaliyey dooddan.
Laakiin waxay isku rogtay dood dhex taal laba “bulsho” oo dal keliya ku wada nool oo hadana kala duwan kuwaas oo kala ah “bulsho nolosha iyo quruxda jecel” oo ka hadlaysa “halgan” ay kula jirto bulsho kale oo ay u aragto “cadowga nolsha oo jecel dib u dhaca”.
Dhanka kalena waxa ka hadlaya bulsho “diinta iyo akhlaaqda ku dheggan” oo ka soo horjeedda bulsho “akhlaaqda ka hogaan furtay oo iska dhigaysa Reer Galbeed”.
Doodda noocan ahi maaha mid ka dhalatay taageero la siinayo Meriem ama cadho loo qabo macalinka ay wada shaqeeyaan, laakiin waa arin muujinaysa kala qaybsanaan la odhan karo ilaa xad waxay ka tahay dalka wax dabiici ah.
Waxanay dooddan taagani marag kale u tahay kala qabsanaanta siyaasadeed iyo bulsho ee ka jirta dalka Tunisia, oo dadka qaar u arkaan “dagaal” u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta iyo Libaraaliyiinta