Home Warka Maxaad ka taqaanaa shabeelka mar laga cabsi qabay inuu dabar go’a balse...

Maxaad ka taqaanaa shabeelka mar laga cabsi qabay inuu dabar go’a balse hadda soo rogaal celiyay?

0
23

.

Tirada shabeelka duur joogta ah ayaa muddo tobanaan sanno ah hoose u sii dhaceysay balse haatan waxaa la sheegayaa war wanaagsan oo waxaa meelaha qaar sare u kacay tirada shabeelka duur joogta ah.

Tirakoob ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Duurjoogta ee WWF ayaa muujinaya in haatan tirada shabeelkaasi dib usoo rogaal celisay.

.

Sannadkii 2010-kii tirada shabeelka duur joogta waxay ahayd 3,200, balse waxaa rajada haatan soo celiyay dalalka Shiinaha,Ruushka, Hindiya iyo Nepal oo ay korortay tirada shabeelka duur joogta ah.

Dalka Hindiya oo kali ah, tirada shabeelka duurjoogta ah waxaa hadda lagu qiyaasayaa inta u dhaxeyso 2,600 iyo 3,350 tiradaasi oo ah boqolkiiba 75 guud ahaan tirada shabeelka duur joogta ee Caalamka.

Dalka dariska ay yihiin ee Nepal, waxay sannadkii 2019-kii tirada ahayd 121 haatana waaa 235.

An Amur tiger
In Russia, Amur tiger numbers have increased by 15% in the past 10 years to around 540 animals.

“Tirada Shabeelku aad ayay u kordhi kartaa waa haddii la siiyo dhul, cunto iyo biyo.” Waxaa sidaasi Radio 1 Newsbeat u sheegay Becci May.

Becci waa maamulaha hay’adda WWF ee UK waxayna sheegeysaa in iyadoo warkaasi wanaagsan la soo sheegayo hadana weli khatarta shabeelka wey jirtaa.

“Sababta ugu weyn ee 100-kii sanno ee la dhaafay shabeelka u sii yaraanayay ayaa ah isbadalka ku yimid isticmaalka dhulka,” ayay tiri Becci.

Dhulkoodii ay waayeen, iyo ugaarsiga ayaa weli ah caqabad haysata shabeelka duur-jooga ah.

Becci ayaa sheegeysa in loo baahan yahay dadaal badan oo lagu ilaalinayo shabeelka.

2010 Shiinaha waxaa ku noolaa 20 shabeel oo kaliya balse sawiro dhawaan laga soo qaaday ayaa muujinaya in tirada ay korortay.

Qoraalka sawirka,2010 Shiinaha waxaa ku noolaa 20 shabeel oo kaliya balse sawiro dhawaan laga soo qaaday ayaa muujinaya in tirada ay korortay.

Waddamada kale waxay wax ka baran karaan Hindiya iyo Nepal, kuwaasi oo ay aad u korortay tirada shabeelka ku nool.

“Ilaalinta shabeelka laguma guuleysan karo ilaa dowladaha laga caawinaad laga helo.” ayay tiri Becci.

“Waxaan u baahanahay taageerada dadka ku nool goobaha uu shabeelka ku nool yahay”

Taasi ayaa micneheedu waxa uu yahay in bulshoyinkaasi laga qeyb galiyo dadaalada lagu ilaalinayo shabeelka.

A Bengal tiger on the banks of a lake

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here