Maxaad Ka Taqaan Labada Shirkaddood Ee Sixir-Bararka Ugu Badan Ka Qayb Qaata Iyo Magacyadooda + Baanka Oo Ka Gabaday

0
23

Hargeysa(Saxilnews)- Guud ahaanba todobaadyaddii la soo dhaafay waxaa si ba,an looga dareemayay gudaha Somaliland sixir barar xoogan kaas oo saameeyay kii ladnaa iyo kii marka hore wakhtiga ay lag-damayeen.

Hadaba arrinkan oo raad xun ku reebtay shacabka dalkan ayaa waxaa ay bulshadu ku tilmaameen ay kow ka yihiin sarifka doolarka ee fadhiisan la, shirkado ay ku sheegeen in maalinkasta ay dalka dibada ugu saaraan lacag adag oo doolar ah oo gaadhay boqolaal kun oo doolar oo aan waddanka dib ugu soo noqon ama aan wax alaaba dib loo soo galin.

Shirkadahan ayaa ay shacabka qaarkii ku tilmaameen in ay kala yihiin shirkadaha qaadka iyi shirkadd D.P.World. oo iyagu lacag farabadan dalka ka saara.

Maalin kasta waxaa loo shubaa D.p.world lacag qaadaysa 300 oo kun oo doolar hadaanay ka badnayn lacagtaasna Imaaraatka ayaa la geeyaa oo waddanka dib uguma soo noqoto sidaasi waxaa yidhi Nuux Cawil oo ka mida bulshadda Hargaysa.

Waxaaa kale oo uu Nuux sheegay in Shirkaddaha Jaadka ay iyaguna geeyaan Itoobiya lacag gaadhaysa 200 oo kun oo doolar oo aan iyana waddanka dib ugu soo noqon.

Waxaanu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay waddan doolarku miyuu u baxaa maalin walba 500 oo kun ayaa dibada loo diraaye.

Baanka dhexe ayay dadku intooda badani ku dhaliilayaan in uu ka seexdday wax qabashadda arrinkan sixir bararka.

Xigasho Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here