Maxaa sababay Cabashada Ganacstada Dekedda Berbera wax kala soo degta ? “Baroortu orgiga- ka wayn”

0
23

Berbera (Saxilnews.com)-Ganacstada wadanka ee dekeda Berbera badeecadaha kala duwan kala soo degta ayaa mudooyinkii udanbeeyey diidana amaro kasoo baxay Wasaarada harumarinta Maaliyada Jsl kadib markii ay ku amartay inay ganacstadu keenaan waraaqaha ay dibada  wax kaga kusoo iibsadaan ee loo yaqaano ( invoice) si loo agaado qiimaha rasmiga ah ee ay bulshada wax kaga iibinayaan si looga hortago siciru-bararka iyo badeecaha ganacstade kastaa qiimaha gaar ah ujarayo si loo ilaaliyo maslaxda dadka jilicsan ee Somaliland.

 

ganacstada wadanka ayaa si adag uga biyo diiday kana dhago -adaygtay amarka wasaarada Malliyada jsl iyagoo diidan in la ogaado waraaqaha sirta ah ee ay wax kusoo iibsadaan taasina macanaheedu noqonayo inaan la ogaan qiimaha dhabta ah ee ay badeecadaha kusoo gataan markay dibada kasoo waaridaan .

 

Balse ujeedadu maaha tacrifada dekeda Berbera ayaa la kordhiyey hadii aynu is yar dultaagno qiimaha tacrifada Dekeda Berbera waa markii ugu horaysay ee dib uhabayn iyo dib u eegis lagu sameeyo ilaa 1991kii ilaa manta oo ay noqotay Dekeda caalami ah oo la jaanqaadaysa caalamka iyo dekeda dhigeeda islamarkana lagu maaglgeliyey lacago maalaayiin dollar ah , tacrifada dekeda Berbera maaha mid saamaynaysa qiimaha maceeshada la quuto ee sida Bariiska , Sonkorta , Daqiiqda iyo wixii lamid ah .

 

Shirkada Dekeda Berbera maamusha Ee DP World iyo Wasaarada ganacsiga ee Somaliland ayaa kawada qaybqaatay jaangooyinka iyo dib eegista Tacrifada Dekeda Berbera iyadoo lagu salaynayo xaalada dalka iyo ilaalinta muceeshada iyo nolosha dadka reer Somaliland balse maaha qiimo lagu cadaadinayo ganacstada dalka ee waxaa lagu saleeyey horumarka iyo adeeg bixinta Dekeda Berbera oo is bedelay sanadkii ugu danbeeyey kadib markii la keenay qalab casri ah iyo adeeg hufan iyo dekeda balaadhan oo saamaxaysa inaad koontiinarkaagii 7 maalmood qaadan jiray hal maalin kula baxdo .

 

 

Dekeda magaalada Berbera ayaa kamid ah dekedaha ugu adeega fiican , jaban dekeda geeska hadii aan tusaale ahaan usoo qaadano Dekeda Dalka jabouti  boqolkiiba boqol ayey ka saraysa dhanka tacrifada koontiinarada 40ft iyo 20ft ah waxaanad ka eegi kartaa kolomka hoose aan iska barbar dhigay labada dekedood ee jabouti iyo Berbera .

Maamulka dekeda Berbera waxba kuumay kordhin qiimaha alaabaha dalka ka dhoofaya ee loo yaqaano (Export) balse waxay qaar kood hoos udhigtay qiimihii hore looga qaadi jiray iyadoo la eegayo dhiirigelinta ganacsatada doonaysa inay dalka dibada wax uag dhoofiso .

Ganacstada dalka ma diidana tacrifada dekeda Berbera ee waxay diidan yihiin inay dalka iyo dadkaba la wadaagan waraaqaha cadaynaya qiimaha badeecadooda ay dalka dibadiisa ka keenaan / kasoo dejiyaan .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here