Hab-dhaqanka dimlomaasiyadda [Diplomatic Behaviors] ee ay dawladuhu ku wada xidhiidhaan wax badan kama duwana dhaqanka xidhiidhka ee beelaha Soomaalida ah guud ahaan kaas oo la waafajiyo wixii xeer u ahaa hadba labada dhinac ee su’aashu ka taagantahay.
Si aan u xasuusiyo da’yarta Somaliland ee aan inteeda badani jirin ama maqal dhacdo naxdin leh oo boqortooyada sacuudigu ka gashay dadka ku nool gobollada dhexe ee Somaliland xilligii uu socday dagaalkii Jabhaddii SNM ku soo qaadday magaalooyinka burco iyo hargeysa iyada oo Madaxweynaha maanta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘siilaanyo’ uu ahaa Guddoomiyaha Ururka SNM waxaan ku bilaabayaa sidan.
Dhammaadkii bishii May markii uu dhacay weerarkii NSM kusoo gashay Burco iyo Hargeysa waxay ciidamadii joogay dhulka immika loo yaqaan Somaliland ee xukuumaddii Siyaad Barre bilaabeen inay inay soo ururiyaan dadkii ka soo jeeday beesha ugu badnayd taageerada SNM dadkaas oo 90% lagu fulinjiray dil dhaqso ah [Summary Execution]
Waxaan ka mid ahaa lix qof oo 12kii June, 1988 maxkammaddii militariga ee xukuumaddii ee qaybta 26aad/gaaska 1aad / ku xukuntay dil toogasho ah oo la fuliyo isla maalintaas gudaheeda laakiin ilaahay amarkii dilkaasi madhicin maalintaas. Aniga oo aan imika waqti u ahayn sida dilkaasi u baaqday markii badhkii toogashada nalaga soo celiyay waxaa nalagu xidhay guri uu lahaa Alla ha u naxariistee Mujaahid Xuseen dheere oo ku yaallay Boorama dhinaca loo yaqaan shacabka oo xilligaa ku jiray SNM. Markii aanu halkaa ku jirnay 7 cisho ayaa naloo sheegay in markab siday 302 nin oo Isxaaqiyiin ah oo Sacuudigu soo dhiibay lagu wareejiyay gacanta saraakiishii u oommanayd dhiigga dadka madaniga ah ee siyaad barre, kuwaas oo markiiba laayay raggii marka laga reebo laba nin oo ku abtirsaday beelaha daarood.
Waxaa wax laga xumaado ah in dawladda sacuudigu ogayd in la’laynayo raggan xilli dadka kasoo jeeda beesha sh. isxaaq ay qaxootinimo u qaabilayeen dawladaha aan carabta ahayn oo dhammi.
Arrintan waxaan uga socdaa in aan siyaasiyiinta Somaliland uga digo in dagaalka ka aloosmay Jasiiradda Carbeed aanay la’safan dhinaca khaldan ama aan xeer innoogu lahayn wax hiil ah oo ah dhinaca Sacuudiga.
Sacuudiga waxaa innoo xeera haddii cidi innooga timaaddo inaynu ururinno oo u dhiibno xuutiyiinta. Laakiin haddii isaga oo godobtaa innaga haya loogu daro inuu adeegsado dekedda iyo madaarka Berbera waxay noqonaysaa khiyaamo qaran iyo dad aan taariikhdu macno u samayn.Haddii la’isku beerlaxawsado mad-hab kuwaasiba waxay ahaayeen sunniyiin waliba aalu-bayt ah.
Haddii sidan hore innala fool-xumaato waxay innagu leeyihiin inaan dhex ka ahaanno oo loo diro qaar kamid ah odayaasha Somaliland ee ilaahay hibada u siiyay nabadaynta si ay u dhexgalaan beelaha yamanta sucuudigana loogu sheego inuu ka dhex baxo… waa marka aynu teenna ka saamaxno oo iyaduna ku bannaan dhaqanka soomaalida guud ahaan.
Waxaa marlabaad iga xasuusin ah inaan dulucda maqaalkaygu ahayn in taageerayaashii taliskii Siyaad barre loo hayo colaad oo si dhaqanka waafaqsan looga nabday laakiin colaadda aan illaa hadda laga nabdini ay tahay middii ay inagula kaceen xukuumadaha carabta gaar ahaan boqortooyada sacuudiga.
By: Dr Mustafa .M. Wayrax
Email: taaphe2@hotmail.com>
Tell: 063-4626887