Maxaa loo gubaya meydadka Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Sri Lanka?

0
24
.Lahaanshaha sawirkaNIKITA DESHPANDE

Muslimiinta Sri Lanka ee laga tirada badan yahay ayaa dowladda ku eedeeynaya iney si khasab ah u gubeysa meeydadka Muslimiinta u geeriyooday fayraska corona awgii taasi oo mamnuuc ka ah diinta Islaamka.

4-tii bishii May, Fathima Rinoza, oo ah hooyo 44 sano jir ah, haysatana 3 caruur ah ayaa la dhigay isbitaalka kaddib markii looga shakiyay fayraska corona.

Fathima, oo ku noolayd magaala madaxda dalka Sri Lankan ee Colombo ayaa la xanuunsnayd dhibaatooyoin la xiriira habka neefsashada, waxayna dowladda kaga shakisay iney qabto xanuunka fayraska corona.

Mohamed Shafeek oo ah seyga Fathima ayaa sheegay in maalintii xaaskiisa la seexiyay isbitaalka ay dowladda soo weertay qoyskiisa.

“Boolis iyo milatari oo ay wehliyaan saraakisha caafimaadka ayaa albaabkeena soo galay” ayuu yiri

“Dhammaantayada bannaanka ayaa noola saaray islamarkaana waxaa nalagu buufiyay dawada jeermiska disha. Waanu argagaxnay. Cid wax inoo sheegtay ma jirin. Xitaa canug yar oo 3 bilood dhallan waa la baaray kaddibna sidii eeygii ayaa goobta karantiilka nalagu tuuray.”

Habeen ayay ku baryeen xarunta karantiilka kaddibna waa laga soo saaray oo waxaa lagu aamray iney muddo laba toddobaad ah gurigooda isku karantiilaan.

Markaasi kaddib ayaa waxay oogaadeen in Fathima ay isbitaalka ku dhex-geeriyootay.

Waxaa lagu khasbay iney waraaqo saxeexaan

Wiilka ugu weyn Fathima ayaa isbitaalka aaday si uu usoo xaqiijiyo meydka hooyadii, balse nasiib darro waxaa loo sheegay in meydka hooyadii aanan guriga la geeyn karin sababtoo ah geerideeda waxay xiriirtay fayraska corona.

Waxaana lagu khasbay inuu saxiixo waraaqa ogolaanaya in meydka hooyadii la gubo inkastoo sharciga Islaamka uusan ogolayn in meydka bini’aadanka la gubo.

“Waxaa loo sheegay in qeybo ka mid ah jirkeeda laga saarayo si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo. Maxay uga baahan yihiin qeybo ka mid ah jirkeeda haddii ay fayraska corona u geeriyootay?” ayuu yiri Shafeek oo dareemaya in qoyskiisa aanan si wanaagsan loogu sheegin sida ay wax u dheceen.

Qoyska Fathima ayaa ku biiray Mislimiinta kale ee reer Sri Lanka ee dowladda ku dhaleeceynaya in fayraska corona lagu takooray.

Bishii Abriil ee 2019-kii koox islaamiyiin ah ayaa bartilmaameedsaday hoteello iyo kaniisado ku yaalla magaalada Colombo, halkaasi oo ay ku dileen dad ka badan 250 qof oo ay ajaanib ka mid ahaayeen.

Weerarkaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka ayaa dalkaasi argagax ku riday, tan iyo markaa wixii dambeeyayna Muslimiin badan ayaa tacaddiyo iyo hanjabaado wajahay.

11 dhimasho ah ayaa laga soo tabiyay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Sri Lanka.Dhammaan meydadkaasina waa la gubayLahaanshaha sawirkaNIKITA DESHPANDE
Image caption11 dhimasho ah ayaa laga soo tabiyay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Sri Lanka.Dhammaan meydadkaasina waa la gubay

Tan iyo 31-kii bisihii Maarso markii dalkaasi laga soo tabiyay geeridii ugu horreeysay ee fayraska corona ee ku dhacda qof Muslim ah ayaa qaar ka mid ah warbaahinta gudaha waxay si cad Muslimiinta ugu eedeeynayeen iney faafinayaan cudurka inkasta oo guud ahaan 11 dhimasho laga soo tabiyay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Sri Lanka.

Dhammaan meydadkaasina waa la gubay. Dr Sugath Samaraweera ayaa sheegay iney dowladda go’aan ku gaartay in la gubo dhammaan dadka u dhinta fayraska corona, isagoo ku doodaya in haddii si caadi ah dadka loo duugo ay wasakheyn karaan biyaha la cabo ee dhulka ka soo baxa.

‘Dalka keliya’

Marka la eego 182-da dal ee xubnaha ka ah hay’adda WHO, Sri Lanka waa dalka keliya ee gubayay Muslimiinta u geeriyooda fayraska corona, sida laga soo xigtay Ali Zahir Moulana, oo ah wasiir hore.

Moulana ayaa BBC Sinhala u sheegay in bulshada Muslimiinta ay ogolaan doonaan go’aanka dowladda waa “haddii ay jiraan cadeymo muujinaya in dadka u geeriyooda fayraska corona ee sida caadiga ah loo duugo ay horseedeyso dhibaato caafimaad”

Hadalka Moulana waxaa taageeray hogaamiye sare oo Muslim ah oo ka tirsan aqalka Congress-ka ee Sri Lanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here