Maxaa keenay in saacado badan uu qaato weerarkii ka dhacay Hoteel Xayaat?

0
28

 

Dowladda ayaa faahfaahin ka bixisay weerar muddo 30 saacadood ka badan socday oo lagu qaaday hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho. Waxaa lagu tilmaamay in yahay weerarkii ugu muddada dheeraa.

Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar) ayaa sheegay in 106 qof ay kasoo badbaadiyeen weerarka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo socday muddo 30-saacadood ah, inkastoo warbaahinta gudaha ay sheegayso in dhimashadu ay intaas ka badan karto.

 Haddaba, su’aalaha la isweydin karo waxaa kamid ah, maxay muddo intaa la’eg ugu qaadatay ciidamada dowladda inay soo afjaraan weerarka.

Axmed Kaboole oo si weyn u falanqeeya arrimaha amniga Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kooxdii weerarka ku qaaday hoteelka ay u muuqato in markii hore ay u sahan tagtay halkaas.

“ Sida weerarka u socday iyo ciidanka dowladda oo wakhti kooban ku soo afjari waayay waxaad ka arkeysaa in kooxdii hoteelka gashay ay aad iyo aad isku diyaariyeen ama ay dhici karto in sahan ama agabkii ay wax ku qarxinayeen ay hore ay hoteelka ugu soo gudbiyeen ama in horey ay deegaanka u degenaayeen ama dad hoose oo meesha joogay baa la shaqeynayay sababta oo ah ma aysan heli karin goobo ay uga dhex dhuuntaan xabbada ciidamada oo dhawaqeedi magaalada si aad ah looga maqlayay.”

Wuxuu intaa ku daray in marka loo eego goobta uu ku yaallay hoteelka ay dad badan u fududeyd inay soo gaalan halkaas iyagoo aan marin goobaha lagu baaro amniga.

“Meesha ay ku taallo Xayaat waxay yara ka baxsantahay barta kontarool ee garoonka laga soo galo, waxay u furan tahay guud ahaan magaalada, waxay u fududeyd in dadka shacabka ah ay soo galaan oo ay lug kusoo gaaraan iyagoo aan soo marin baro kontaroollo badan

Hoteelka ayaa si xooggan u burburay ka dib markii habeenkii Jimcaha iyo Sabtidii ay ciidamada ammaanku ku duqeeyeen bambaanooyin xooggan, iyadoo muuqaallada laga soo duubay ay muujinayaan holac iyo qiiq ka baxayay saqafka sare ee hoteelka.

“Kooxahan waxay mar kasta raadinayaan fursad oo ay ku khakhalgeliyaan bulshada ama goobo ganacsi ha noqoto ama goobaha la isugu yimaado waxay eeganayaan fursad ay ku dhibaateeyaan shacabka , fursaddaas ayay ka dhex heleen goobta maadama dowladda ay ku jirtay xilli kala guur ah, waxay u muuqataa in taliyeyaashii ciidamada iyo dowladdii aysan diiradda saarin amniga, waxaad moodda inay uga faa’ideysanayeen arrintaas,” ayuu yiri Axmed Kaboole oo falanqeeya arrimah amniga Soomaaliya.

Kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Agaasimaha isbitaalka Madina magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xaruntooda lagu daweynayo ugu yaraan 40 qof oo ku dhaawacmay weerarka hotelka iyo hoobiyeeyaal kale oo lagu weeraray goobo kale oo ka tirsan caasimadda.

Axmed Kaboole wuxuu ku baaqay in la kala saaro shaqada laamaha amniga Soomaaliya si looga hortaggo dhibaatadan noocan ah.

Wuxuu sheegay in xitaa shacabka iyo waardiyeyasha hoteelada ay tahay in loo tababaro sidii loola tacaali lahaa dhibaato kasta oo ka dhasha qaraxyada.

“Magaalada waxaa joogaa ciidamo kala duwan, ha noqdaan ciidamada amniga gobolka ama kuwa federaalka ama kuwa degmada, markaa waxaad mooddaa mas’uuliyadahaas isku dhex dhunsan oo aan kala saarneyn in kooxaha ay helaan fursad ay uga faa’ideystaan, waxaan ku baaqaya in la laga saaro shaqada amniga si loola xisaabtamo khaladkii iyo wanaagii yimaadaba, waxna laga barto wixii horey u dhacay.”

“ Waa in dadka shacabka ah iyo waardiyeyaasha hoteelada loo tababaro khatarta imaan karta si loo yareeyo dhibaato haddii ay dhacdo,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Ururka Al-Qaacida oo gacan saar la leh Al-Shabaab ayaa dagaal muddo soo jiitamayay kula jira dowladda Federaalka.

Kooxdan ayaa ka talisa inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, balse waxay awood u yeelatay inay awoodeeda ku fidiso goobaha ay ka taliso dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here