Maxaa Ka Jira In Madaxwayne Siilaanyo Diidey Mudo Kordhin Mar Kale Loo Sameeyo Iyo Sababaha Uu U Cuskadey,

0
23

 

Hargeysa(Saxilnews):-mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in mar kale ay Somaliland ka dhacdo mudo kordhin loo sameeyo Xukumada Madaxwayne Siilaanyo oo ay kaga eegtahay mudo kordhintii hore 28ka bisha sadexaad ee sanadkan 2017 ka oo mudo kooban ka hadhsan tahay.

Iyada oo la filaayo sida qorshuhu ahaa in ay dalka doorashooyinka ka dhacaan 28 ka bisha sadexaad balse arintaasi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxa soo baxaya in ay jirto mudo kordhin mar kale loo sameeyo Xukumada abaaraha jira awgeed,

Balse waxa warar hoose oo uu Helaayo Hangoolnews soona baxayay maalmihii ugu dambeeyey ay sheegaya in Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu si cad u diidey in hal maalin loogu daro Xukumadiisa mudada kooban u hadhay isaga oo ku sababeeyey in aanu wadi Karin Xukunka Dalka wax intaas ka badan horena uu shacabka Somalilandna ugu balan qaaday in aan wax mudo kordhin oo dambe loo samayn doonin sidaas darteedna doorashada maalinteedii lagu qabto oo xiligii loo qorsheeyey ay ka hadsan tahay ku dhawaad 85 maalmood.

Xogahan soo gaadhaya Warbaahinta Hangoolnews ayaa intaas ku daraya in Madaxwayne Siilaanyo uu wado qorshe uu warqad iscasilaad ah ugu gudbinaayo Golayaasha qaranka maadaama aanu diyaar u ahayn in uu intaas wax ka badan sii hayo maamulka Dalka,

Waxana intaas dheer in masuuliyiinta ka agdhow dhow madaxwayne ay ku hawlan yihiin in aanu arintaasi ku dhaqaaqin isla markaana uu talada dalka sii hayn lahaa bilaha kooban ee u hadhay iyo ugu yaraan lix bilood oo la filaayo in loogu daro Mudo xileedka xukumadiisa si ay bulshada Somaliland ee codeeyayaasha ahaa ay ugu soo noqdaan deegaanadooda marka la gaadho xili roobaadka Gu’ga oo la rajaynaayo in ay bilaabmaan dhamaadka bisha sadexaad ee Sanadkan,

Source:- Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here