MAXAA KA JIRA IN EX WASIIRO CALI MAREEXAAN IYO XIRSI CALI XAAJI XASAN DAWLADA XAMAR LOOGA GACAN HAADINAYO XILAL SARENA LOOGU BAAQAY”WARIYE NORADIN COL-UJOOG

0
19

Xog iga soo gaadhaysa Xamar, ayaa sheegaysa in wasiirkii hore ee hawlaha guud ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), loo magcaabayo wasiirka arrimaha dibadda dawladda federalka ah ee Soomaaliya.
Cali Xasan, waxa dhawaan uu kusugnaa xarunta Midawga Yurub ee Brussels.

Hore, wararku waxa ay sheegayeen, in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ganafka ku dhuftay dalab uga yimi dawladda Qatar oo ah in uu noqda ra’isal wasaare ku xigeenka dawladda federalka ah ee Soomaaliya.

Markale Qatar, waxa ay Xirsi u soo bandhigtay in farmaajo dabadii uu noqo musharax madaxwayne oo soo bixitaankiisa ay maalgeliso dawladda ay sidawayn u xafiil tamayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Qatar.

Lama hubo in Xirsi uu aqbalay dalabkan dambe ee dawladda Qatar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here