Shirkadda weyn ee ganacsiga internet-ka ee Amazon iyo tan Hindiya ugu weyn ee Reliance ayaa tartan adag ugu jira la wareegiidda shirkad khudaarta iibisa oo ku taala dalkaas ay ku noolyihiin dadka labaad ee ugu badan caalamka.
Labada shirkadood ayaa heshiisyo kala duwan la kala galay shirkadda khudaarta iibisa oo loo yaqaano Future Group.
Dadka falanqeeya arrimaha ganacsiga ayaa sheegay in dacwadda kiiskan ay sanadaha soo socda Hindiya u horseedi doonto hormar dhanka ganacsiga internet-ka ah.
“Waxaan filayaa in tani ay tahay arrin weyn. Amazon waligeed kuma aysan arag tartan noocaan ah suuqyadooda midkoodna,” Satish Meena, oo falanqeeya arrimaha la xiriira ganacsiga ayaa sidaas BBC-da u sheegay.
Amazon ayaa u horseeday asaasageeda Jeff Bezos inuu noqdo ninka adduunka ugu taajirsan (inkasta oo aanu hadda ahayn). Shirkaddan waxay bedeshay habka badeecooyinka tafaariiqda lagu iibsado dunida oo dhan. Mulkiilaha shirkadda Reliance Mukesh Ambani ayaa ah ninka ugu taajirsan dalka Hindiya.
Dadka ka faallooda ganacsiga ayaa qaba in qorshayaashiisa tafaariiqda ah ay caqabad ku noqon doonaan Amazon iyo shirkadda kale ee Walmart.
Amazon waxay si xoog leh u ballaarineysay ganacsigeeda Hindiya, halkaas oo ay rajeyneyso inay maalgeliso suuqa ganacsiga internet-ka ee sii xoogaysana. Reliance sidoo kale waxay leedahay qorshayaal ay ku ballaarinayso ganacsigeeda internet-ka iyo suuqayada khudaarta Hindiya.
Muxuu yahay tartanka loogu jira shirkadda Future Group
Future Group ayaa dhawaan heshiis ay ku iibinayso ganacsigeeda taafaariiqda ah lacag dhan 3.4 bilyan oo dollar la gashay shirkadda Reliance.
Tan iyo sanadkii 2019, Amazon waxay la wareegtay 49% saamiyadda Future Coupons, taas oo ka dhigaysa inaysan gebi ahaanba lahayn Future Retail balse Amazon ayaa ku doodeysa in heshiiskii la kala saxiixday xilligii iibsashada lagu xusay in shirkadda Future Group aysan heshiis la geli karin shirkado ay ka mid tahay Reliance.
Isniintii la soo dhaafay, shirkadda Future Group ayaa maxkamadda sare ee Delhi ka codsatay inay dib u eegto go’aanka ay ku baajinayaan iibsashada.
Maxkamadda ayaa go’aankaas laba isbuuc ka hor soo saartay kaddib markii ay dacwada dhagaysatay.
Balse Amazon ayaa sidoo kale rafcaan ka qaadatay go’aankaas.
Maxaa dhici kara?
Haddii shirkadda Reliance loo ogolaado heshiiska dacwadda dhaliyay, waxay taasi u suuragelinaysaa inay la wareegto 1,800 dukaan oo ku yala yaala 420 magaalo, sidoo kale waxay maamuli doontaa ganacsiga jumlada ee shirkadda Future Group.
Haddii ay Amazon guulaysatana, waxay heli doontaa gacan sare oo ay shirkadaha tartanka kula jira uga saari karto ganacsiga internet-ka ku salaysan.
Amazon iyo Reliance waxay diyaar u yihiin inay ku dagaallamaan suuqa Hindiya, maxaa yeelay waxa la aaminsanyahay in fursado badan oo lagu hormarin karo ay weli dalkaas ka jirto.
“Suuqyada tafaariiqda ee Hindiya ayaa lagu qiimeeyaa 850 bilyan oo dollar,” ayuu yiri Mr Meena, laakiin xilligan kaliya qayb yar oo ka mid ah taas ayaa ku jira ganacsiga internet-ka ku salaysan.
Marka la eego guud ahaan caalamka, bilyaneerradu waxay heleen $3.9 trillion oo dheeraad ah intii u dhaxeysay 18-kii bishii March ee sanadkii 2020 ilaa 31-kii bishii December ee isla sanadkaas, faa’iidadaas oo hadda sii mareysa $11.95 trillion – taas oo la eg kharashka ay dowladaha G20 ku bixiyeen wax ka qabashada cudurka safmarka ah.
10-ka nin ee ugu taajirsan adduunka ayaa hantidoodu waxaa ku darsantay 540 bilyan oo dollar tan iyo bishii March, 2020, raggaasna waxaa ku jira milkiilaha Amazon, Jeff Bezos, milkiilaha Tesla, Elon Musk iyo milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg.
Mr Bezos ayaa lagu warramay inuu lacag badan helay ilaa intii laga gaarayay bishii September ee sanadkii 2020, lacagtaas oo xitaa uu uga farxin karay dhammaan shaqaalaha shirkadda Amazon ee ay tiradoodu tahay 876,000 oo ruux, qof walibana ay ku soo aadi lahayd 105,000 oo dollar, walina ay hantidiisa la ekaan lahayd intii ay ahayd cudurka safmarka ah ka hor.
Haddii ninkan la barbardhigo dadka ugu faqiirsan caalamka, iyaga waxay ku qaadan kartaa in ay cudurkan kasoo kabsadaan muddo toban sano ah.