Masuulyiinta Sar Sare Ee Xisbiga Wadani Oo Madaarka Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Qaar Ka Mid Ah Qurbo Jooga Xisbigaasi + (Sawiro).

0
19

Hargeysa (Saxilnews):- Qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu hogaaminaayo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Axmed Muumin Seed ayaa waxaa ay saaka madaarka Hargeysa ku soo dhaweyeen qaar ka mid ah qurbo jooga xisbigaasi ee qaaradaha Yurub iyo America

12

U jeedka  qurbo joogan ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb gali lahayeen shir weynaha golaha  dhexe ee dhawaan xisbigaasi ku qabsan doono magaalada Hargeysa  laguna soo dooran doono musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa xisbigaasii doorashada madaxtinimo uga qeyb gali doona .

6

Ugu horeyn waxaa madashaasi ka hadley gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed  waxaana uu sheegay in qurbo joogu yahiin laf-dhabarta xisbiga isla markaana ay mudan yahiin in sidan  iyo si ka sii balaadhan loo soo dhaweeyo

4

Dhinca kale waxaa iyaguna ka hadley gudoomiyaha qaarada Yurub  Axmed Naahi , Caasha  Xussen Mareykan  iyo qaar ka mid ah qurbo jooga dalka lagu soo dhaweeyey waxaana ay sheegen in qurbo joog kale oo xisbiga waddani ah dalka ku soo socdo isla markaana uu soo gaadhi doonan  maalmaha soo socda u jeedkooda  ugu weynina uu yahay sidii ay uga qeyb gali lahayeen shir weynaha golaha dhexe ee dhawaan xisbigu qabsan doono3
5
7891012

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here