Masuulyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani Iyo Saxafiyiin Ka Hawl Gala Hargeysa Oo Ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga Dhigeen + Sababta

0
26

Hargeysa (Saxilnews):- Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd xabsiga dhigtey gudoomiyihii garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq iyo xoghayihii dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbigaasi Muddane Yoonsis. Image may contain: 1 person, standing Sidoo kale wararka aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamada boolisku ay xabsiga dhigeen koox saxafiyiin ah oo aan wali la kala cadeyn goobaha warbaahineed ee ay ka hawl gali jireen Masuulyiintan iyo saxaafadan ay ciidamada Boolisku xidheen ayaa waxaa ay ku sugnaayeen goob uu ka dhacay mudahaarad kooban oo dad shicib ahi kaga soo hor jeedeen Dayrarka aqaladooda oo saaka dawlada Hoose ka dumisay Sababta dayrarkan loo dumiiyey ayaa lagu sheegay in ay Dayrarkaasi soo galeen Wado hor marta guri Fooq ah oo gudaha magaalada Hargeysa ay ka dhisatey marwada madaxweyne Siilanyo Marwo Amina Waris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here