Burco(Saxilnews):Badhasabka Gobolka Sanaag Axmed Abdi Falay Iyo Wasiir Dawlaha Maaliyada Somaliland Yuusuf Xasan Umal Ayaa Shirar Docoodyo Ku Salaysan Tageerida Xisbiga Kulmiye Iyo Joojinta Shir Dhawaan Lagu Dhawaaqay In Lagu Qabanayo Degmada Balidhiig Oo Ka Tirsan Gobolka Togdheer,
Shirarkani Oo Lagu Qabtay Goobo Kale Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Magalada Burco ,Deeganada Balidhiig Iyo Dhaqoshay Ayaa Daarana Kulamo Ciwaan Lagu Dhigay Qancinta Tageerida Xisbiga Kulmiye Taasi Oo Sababtay Inay Madmadaw Galo Tageerada Kumiye Ee Beelahasi Ka Dib Markii Ay Bananka Imadeen Shir Jaraaido Tabasho Oo Ka Soo Yeedhay Beelaha Dega Deeganada Balaidhiig,Iyo Dhoqoshay Oo Ay Shegeen Inay Ka Baxayaan Xisbiga Kulmiye Kuna Biiri Donaan Xisbiyada Kale Sidoo Kalena Ka Tashandonaan Ayahooda Mustaqbal,
Badhasabka Gobolka Sanaag Ayaa Shaqadiisi Ka Mashquulay Sharar Docoodyada Ku Qotama Qanciinta Deegaanka U Kasoo Jeedo Oo Tan Iyo Intii Ay Curatay Bisha Barakaysan Ramadaan Uu Kasoo Maqnaa Gobolka Sanaag Kuna Sugna Magalada Burco Si U Joojiyo Shir La Sheegay In Lagu Qabanayo Degmada Balidhiig Oo Mudooyinki Udanbeeyay La Hadal Hayay.
Halka Wasiir Dawlaha Wasarada Maaliyada Somaliland Oo Kulamo Iyo Socdaal Ku Tagay Deeganada Baladhiig Iyo Dhoqoshay Si Kulamo Gogaal Xaadh USamayn Lahaa Una Joojin Lahaa Shirka Ay Shaciyeen Dhalinyaro Ka Tirsan Deeganadaasi Inay Ku Qabanayaan Degmada Balidhiig,
Sida Dad Goobjogayaal Ah Ay Sheegeen Inan Shirarka Masuuliyintaasi Ay La Galayeen Beelaha Dega Deeganada Baladhiig Iyo Dhoqoshay U Ahaa Sidii Kulmiye Lagu Qancin Lahaa Beelahasi Iyo Sidii Loo Joojin Lahaa Shirkaas Ka Dhacayay Deegaankaasi.
Xigasho:-Hangoolnews