Masuul Xisbiga UCID Ah Oo Sheegay In Masuuliyiintii Waddani Ee Nayroobi Tagay Ay U Xaqiijiyeen In Ay Wada Kulmeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya,

0
25

Hargeysa(Saxilnews):-Masuul ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa warbaahinta u sheegay in qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani ee tagay Nairoobi ay u xaqiijiyeen in ay kulan wada yeesheen masuuliyiinta xisbiga Waddani iyo qaar ka mid ah Madaxda Somaliya.

Yuusuf Keyse Cabdilaahi xog-hayaha Warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sidaasi u sheegay Saxaafada.

Yuusuf Keyse isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Marka aanu anagu gaarka isu nahay waanu weydiinay qolada WADDANI, walibana waftiga kuwii la socday ayaanu weydiinay, waxaanay igu yidhaaheen nimanka Hudheelka ayaanu ku wada jiray, shaaha ayaanu wada cabney, mar hadii ay ilaa halkaasi qiranayaan imikana waxaa ay leeyihiin mabaanan arkinba anagana waxaa ay noo qirteen inay shaaha wada cabeen mar hadii shah la wada cabeyna wax waa laga wada Hadley ilayn dadku aamusi maaye”

Yuusuf isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Warka wargeyskaasi ku soo baxay waxaa akhriyay dad gaadhaya ilaa 80-kun oo qof, dawlada Soomaaliyana si ay raadka iyo ceebta xisbiga WADDANI u masaxdo ayay lacagtaasi ku bixisay, nasiib wanaag markii aan arkey waan daabacday, maxay dawlada Soomaaliya u qarinaysaa warkaasi? Hishiis hoose oo aynaan arkeyn ayaa la galey, tuhunkan horena waa loogu ogaa imikana waa ay ku cadaatay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here