Masuul Ay Dowlada Somalia Horey U Amartay In La Soo Xidho Oo Loo Magacaabay Xil Muhiim Ah

0
20

Muqdisho(Saxilnews)-Masuul hore uga mid ahaa xukumada Federaalka Somaliya horena loo amray in lasoo xidho ayaa xil loo magacaabey.

Maamulka Hirshabelle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe Maxamuud Maxamed Saney, iyadoo loo magacaabay guddoomiye cusub.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa loogu magacaabay Cismaan Maxamed Xaadoole guddoomiyaha degmada Balcad.

Cismaan Xaadoole oo horey u soo noqday guddoomiyaha degmada Balcad ayaa baxsad ka ahaa dowlada federaalka Somalia ka dib markii ciidamo isaga ka amar qaata ay degmada Balcad ku laayeen sanadkii 2014 ciidamo ka tirsan Booliska dowlada Somalia oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.

Xaadoole ayaa xilka laga qaaday, waxaana isaga iyo ciidamo uu watay degmada Balcad dagaal kaga saaray ciidamo ka tirsan dowlada oo laga diray magaalada Muqdisho.

Guddiga amniga Qaranka ayaa intaas ka dib amar ku bixiyey in Xaadoole la soo qabto lana soo xidho si loo maxkamadeeyo, lamana oga sababta xilkan loogu magacaaabay ee keentay in xilka laga qaado gudoomiyihii degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here