MAS LAGU EEDEEYAY INUU XADAY LACAG KOR UDHAAFAYSA $ 100, 000

0
19

Dadka Nigerianka ee warbaahinta bulshada ayaa ka eegaya dhinacyo kala duwan oo ku saabsan arrinta la yaabka leh.

Warbaahinta bulshada ee Nigeria ayaa waxa hadal haynta uga badan ee dalkaasi noqotay ka dib markii wargays kasoo baxa dalkaasi Sabtidii lagu soo daabacay in saraakiil ka mid ah xukuumadda ay ku eedeeyeen mas aan la garaneynin inuu qaatay lacag maqan oo lagu qiyaasay 36 milyan oo naira ah (in ka badan $ 100,000).

Lacagta ayaa waxaa loogu tala galay Golaha Isku-xidhka iyo Qiimaynta ee Nigeria (JAMB), oo ah hay’ad dawladeed oo mas’uul ka ah diiwaan-gelinta dadka doonaya inay galaan jaamacadaha kala duwan.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xafiisyada JAMB ee Makurdi, oo ah caasimadda Gobalka Benue State halkaas oo karraaniga xisaabta oo ka jawaabaya su’aalaha baaritaanka kiiska lacagta maqan uu sheegay in shaqaalaheeda iyo shaqaalihii kale ay qirteen in ay isticmaaleen mas si ‘ay qaab maskax ahaan’ u xadaan lacagta ay ku keedisay qasnada xafiiska .

Dadka Nigerianka ee warbaahinta bulshada ayaa ka eegaya dhinacyo kala duwan oo ku saabsan arrinta la yaabka leh. Waxaa jira kuwa ka eegaya dhanka siyaasadda, bulshada, musuqmaasuqa, mucjisada iyo xitaa xiisaha dhacdada.

Waxaana ugu qosol badnaa mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter ka oo la magac baxay @NigerianSnake oo ku yiri bayaankiisa: “Anigu waxaan ahay maskii cunay lacagta N36 million ee taalay xafiiska Jamb.Mana soo mataqayo lacagtaas.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here