Mareykanka: “Waa in la ansixiyo heshiiskii Baydhabo ee doorashooyinka

0
20
Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Richard Mills

Xilli weli uu khilaaf ka taagan yahay doorashada Soomaaliya, maamullada Puntland iyo Jubaland-na ay diideen inay ka qeybgalaan kulanka lagu saxiixayo qodobadii kasoo baxay shirkii guddiyada farsamo ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamula gobolka Banaadir ee ka dhacay Baydhabo ayaa dowladda Mareykanka waxay ku baaqday in laga shaqeeyo hirgelinta waxyaabihii kasoo baxay kulankaas.

Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa sheegay in soo jeedinta guddigii ka koobnaa 14-ka xubnood ay si cad u qeexeyso habka ay tahay in loo xalliyo khilaafka doorashada, waxaana dhinacyada loogu baaqay inay ka shaqeeyaan hirgelintiisa.

“Talooyinka kasoo baxay guddigii farsamo ee Baydhabo waxay bixinayaan qaab-dhismeed cad oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Twitterka ee Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Sii hayaha ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midobay, Richard Mills ayaa sidoo kale sheegay in doorasho aan loo dhameyn ama mid fowda ah oo ay kamid tahay dowlad kumeel gaar ah ay sii siyaadineyso oo keliya culeyska jira, dib u dhacna ku tahay Soomaaliya.

Dhanka kale wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa khudbad u ka jeediyay ay Isniintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya waxaa uu kaga hadlay xiisadda sii adkaaneysa ee ka taagan dalka, wuxuuna sheegay waxyaabaha dalka ka dhacaya ay khatar ku yihiin dib u dhiska dowladnimada, haddii aanan lagu xallinin wadahadahal.

“Ismari waaga ka dhex taagan hogaamiyeyaasha Soomaalida wuxuu hor istaagay hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii Sibtembar, hannaakas waxaa ansixiyay labada aqal ee baarlamaanka, waxaan taageeray dhinacyada siyaasadda balse hirgelintiisa ayay caqabad ka taagan tahay,” ayuu Swan u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

.
Qoraalka sawirka,James Swan

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin hirgelinta waxyaabihii kasoo baxay Baydhabo balse maamullada Jubaland iyo Puntland ay caqabad ku yihiin heshiiskaas, isagoona intaa raaciyay inay diideen inay yimaadaan shirkii uu ku baaqay madaxweynaha.

Muqdisho waxaa ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo maalmahan kullan la lahaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka.

Kulanka waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubaland, waxaana maamulka Jubaland uu shuruudo horleh ku xiray ka qeybgalka shirkaas oo ay kamid tahay in Maxamed Cabdullaahi Farmajo aanu door ku yeelan hannanka doorashooyinka.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here