Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaja dibeda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku soo dhoweynayo isbedelka ka dhacay hogaanka dowlada Somalia.
Waxaa qoraalkan lagu sheegay in Maraykanku uu la shaqeynayo Madaxweyne Farmaajo, ayna rajaynayaan inuu sii amqabaado dedaalada lagu sii xoojinayo nabada iyo horumarka Somalia.
Dhinaca kale, wakiilka QM ee Somalia danjire Keating ayaa sheegay doorashada Madaxweyne Farmaajo ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu balan-qaaday in QM ay gacan ku siin doonto madaxweynaha cusub gudashada waajibaadka horyaalla, waxaana uu ku baaqay madaxweynaha in fursad loo siiyo wax ka qabashada xaaladaha dalka.
Dowlada Turkiga ayaa iyana ka hadashay doorashada madaxweynaha cusub, iyadoo war ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee wadankaas lagu soo dhoweeyey isbedelka ka dhacay Soomaaliya.