Mar 2aad Waxaa Iimuuqata Guuldaro Kale Oo Wadani Ah
Taageerayaasha Xisbiga Wadani Waxay Ku Ololaynayeen Ama Beryahaaba Hal Kudhigoodu Ahaa (XISBIGA RAJADA SHACABKA)
Sidoo Kale Dad Badan Oo Aan Kamid Ahay Ayaa Waxay Naawilayeen Bal Qaabka Uu Isu Habeeyo Xisbigaasi Maadaama Kulmiye Noqday Guri_cas Laga Sii Hayaamayo Hadase Dadkii Way Niyad Jabsanyihiin Markay Arkeen Platform_ka Wadani & Raga Frontline_ka Fadhiya Ee Howsha Xisbiga Gacanta Kuhaya Kuwaasoo Ubadan Rag Aan Indhaha Dadka Ku Cusbayn Isla Markaana Aan Weji Wacan Kulahayn Bulshada Kuwaasoo Aad Looga Biyo_diiday Ahna Rag Hore Loogu Tirinaayay Dembiyo Culus & Hagardaamo Umadeed
Dhinaca Kale Iyadoo Aan Wada Ognahay In Asxaabta Siyaasadu Wax Kuqaybiyaan Qaab Beelaysan Maadaama Aan Nahay Beelo Wada Yaala Ama Deegaan, Deegaan Ayaa Waxaa Jira Beelo Kamida Beelaha Waawayn Ee Dalka Oo Meeqaamkoodii Ka Arki Waayay Xisbiga Ama Qawadsan Saamiga Loo Qoondeeyay
Sidoo Kale Waxyaabaha Lagaga Cabanaayo Maamulka Xisbiga Waxaa Kamida In Madaxda Sar_sare Ee Hogaanka Xisbigu Ubadantahay Dhinac Ama Ay Isku Beel Yihiin
Sidaas Marka Xaalku Yahay Waxay Arintani Cimriga Usii Kordhinaysaa Kulmiye & Dowlada Hada Joogta Waxaana Ay Bulshadu Ku Odhanaysaa Majirto Sabab Lagu Kala Doorto Kulmiye & Wadani Waxaanay Noqonaysaa (Kud Kaguur Oo Qanjo Uguur) Maadaama Aan Aragno Ifafaalaha Wadani Muuseba Hayska Joogo Waayo Wuxuu Soo Wadaba Waynu Aragnaa (Biyahaan Hortooda Arko Dabadoodu Waa Huubo)
Arimaha Kale Ee Maamulka Wadani Gaar Ahaan Gudoomiye Ciro Lagaga Cabanayo Ama Dadku Ku Sheegayaan Waxaa Kamida Inaanay Taladu Gacanta Isaga Ugu Jirin Waxna Aanay Ka Go,ayn Iyadoo Ay Xaga Dambe Ufadhiyaan Gudi Musdambeed Ah Oo Tolkii Ahi Arinkaas Oo Bulshadu Aad Uga Biyo Diiday Kuna Micnaysay Mid Aan Laysku Lahayn Karin Deals_ka Lala Galo Gudoomiye Ciro
Ugu Dambayn Waxaan Talo Ugu Soo Jeedin Lahaa Gudoomiye Ciro Structure_ka Xisbiga Wax Kabedel Oo Maadaama Aad Tahay Musharax Madaxwayne Tolkaa Xaga Dambe Hajoogaan Ee Yaanay Beelaha Kale Kuraasta Hore Ku Cidhiidhyin Hadii Kale Bulshadu Way Kaa Didi Waxaana Mar 2aad Lagugu Jiidhi Above 80_Thousand Sidii Caadada U Ahayd Xisbigaaga Waayo Hadaad U Ekaataan Beel Wax Doonaysa Dee Ogaada Wadanku Waa Wada Beelo Wax Doonaaya
Waxaan Kusoo Koobayaa Qoraalkayga Hada Marka Aan Sidan U Hadlaayo Waxaa Igu Jirta Lexejeclo Qaarbaa Moodi Doona Inaan Iska Maagayo Wadani Uu Kamidyahay Sacad Waar Qorshihii Guushu Ma Muuqatee Masida Ucid Ayaydun Guuldarada Wehel Kadhigan Hadii Aad Rabtaan Inaad Hogaanka Qabataan Wax Kabedela Sidan Hada Aad Tihiin
Jamhuuriyada Somaliland Hargeisa Hada