Sooyaalkii Taariikheed ee Xirsi Xaaji Xasan Halkan Ka Akhri

0
21
Hargaysa (Saxilnews.com)-Qaado Go’aanka Adag Balse ha Qaadan Go’aanka Axmaqnimada Ah Dhliishuna
Waxay Saacidaaa Qofka Tilmaan U Qaata “Runta iyo Raad Raac”
Wax Ka Baro Sooyaalka Siyaasadeed Ee Wasiirkii Hore Madaxtooyada Xirsi
Cali X Xasan
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
Siyaasigani waxuu hormood u yahay Raga Madaxwayne Siiraanyo u far
qabtay Casharada Siyaasada isla markaana lagu arkay Saaxada Siyaasada
mudo xileedkiisa waxaana hubaala in aanu Waayo aragnimo ka korodhsan
Casharo badan oo mudo Lix Sanno ah uu u dhigay Madaxwayne Siiraanyo oo
ah Ruug Cadaa mudo dheer iyo marxalado kala duwan Saaxada Siyaasada ku
soo jiray .
Iyadoo Madaxwayne Siiraanyo Xillkii u horeeyay u magacaabay Siyaasigan
Badhtamihii Sanadkii 2007 Xubinta Xisbiga Kulmiye u soo xulay
Kumishanka Doorashooyinka Qaranka S/land iyadoo Xillkaa si rasmiya
Xubnihii Komishanka ugala wareegeen Agaasimihii Komishanka Maalin ku
Taariikhasan 9/8/2007 isla Maalintaas Xubnihii Komishanku waxay u
doorteen Gudoomiye ku Xigeenka Komishanka Waqtigaas oo Madaxwayne
Siiraanyo ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Hirdan adagna uu ugu jiray
siduu ugu guulaysan lahaa Kursiga dalka ugu sareeya ee Madaxwaynaha
waxaase xusid mudan in uu mudo Sagaal Bilooda ku soo gunaanaday Xilkii
Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay isagoo iska casiley Xillkii iyo
xubinimadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka S/land Maalin ku
Taariikhaysan 4/5/2008 iyadoo Taariikhdu ka marag kacaysa in Sagaal
Bilood uu Gudoomiye ku xigeenka Gudida Doorashooyinka S/land ahaa uu
ku kacay Ficilo Xaaraan ka ah Xubnaha Komishanka Doorashooyinka sida
Caadifad iyo Weedho Turxaan badan uu warbaahinta u mariyay
Madaxwaynihii hore ee Rayaale, taasina ay sobobtay in uu gaar uga baxo
Todobadii Xubnood ee Komishanka sidaana ay ku raaceen Dhagxumooyin
Siyaasadeed oo ka marag kacaya in uu yahay Siyaasi Socod Barad ah oo
aan la jaan qaadi Karin una adkaysan Karin Mawjadaha Siyaasada ee hadh
iyo habeenba socda .xirsi
Mar kale waxuu Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay 31/7/2010 Chief of
Cabinet Madaxtooyada isagoo mudo Sannad ah uu Xillkaa hayay ku kacay
Ficilo ka yaabiyay Bulshada S/land oo Qormo kaliya lagu soo koobi
karayn sida Xadhigii 26/5/2011 uu kula kacay Askari ka mida ilaalada
Hutelka Ambasodor oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee sugida Amaanka
Hutelka Ficiladan oo dhamaantood muujinaya in uu yahay Siyaasi socod
barad ah , Sidoo kale Madaxwayne Siiraanyo waxuu u magacaabay
11/6/2011 Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada waxaanu noqday Wasiirka ugu
hadal haynta badan Golaha Wasiirada iyadoo Qormo kaliya lagu soo koobi
karayn dhacdooyinka ku xusan Sooyaalkiisa waxaase xusid mudan Maalin
ku taariikhaysan 2/1/2014 isagoo ku sugan Magaalada LivePool ee Dalka
UK ugu soo hanjabay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ( Sankaan Caano Ka
Lisi ) oo Sidoo kale Siyaasigan ayaa lagu xasuusto Weedho Laaxinku ku
badanyahay uu warbaahinta u mariyo Golayaasha Qaranka iyo kooxaysi uu
Golaha Wasiirada ka dhex Abuuray iyadoo aan la dafiri Karin wixii uu
qabtay waxaase marag ma doona in dhamaan wanaagii uu sameeyay uu ku
soo gunaanaday in Dhagxumooyin Siyaasadeed ka raacaan Saaxada
Siyaasada ka dib markuu Maalin ku Taariikhaysan 27/10/2015 uu Hormood
u noqday Wasiiradii ugu tirada badnaa ee mar iswada Casila Xukuumada
Madaxwayne Siiraanyo dhacdadan oo Ugub ku ahayd Saaxada Siyaasada
S/land waxay ka marag kacaysa in Siyaasigani Dalka iyo Dadka midna u
tudhin, Siyaasi Burburka iyo kala qaybsanaanta ka taliya ,Siyaasi
Jinni Boqor ah oo Dagdaga iyo Caadifadu madax martay , Siyaasi
Midnimada iyo Wadajirka aan ka shaqaynin , Siyaasi aan u Adkaysan
Karin arimaha ka hor yimaada , iyadoo dhamaan Dabeecadaha socod
baradku ka muuqdaan Siyaasigan.
Ugu danbayn inkastuu Siyaasigani yahay hogaamiyihii Wasiiradii
iscasiley walina aanu ka tanaasulin diidmadii Shirkii Golaha Dhexe ee
Xisbiga Kulmiye ku soo doorteen Gudoomiye Muuse Biixi Xisbi kalena
aanu ku biirin Dadka dhacdooyinka Siyaasada ee Maalinlaha ah sida
joogtada ula socdaa waxay ku tilmaamaan Siyaasigan in uu yahay Nin
Jini Boqora oo kartidiisa u adeegsada dhanka xun isagoo Xeelad iyo
Xooloba iskugu geeyay Kooxaysiga iyo Kala qaybinta Xisbiga Kulmiye
balse waxuu ku guuldaraystay in uu u Cumaamado Murashax Madaxwayne uu
isagu wato oo Xisbiga Kulmiye ka soo baxa waxaanse ku soo gunaanadayaa
Qoraalkaygan Maah_maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda ( Hadii hamigaagu
kuu been sheego itaalkaaga ayaa kuu run sheega )
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Ugu danbayn waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa Sheeko dhaxal gal
noqotay, oo dhex martay Suldaan Samo Talisa iyo Nin uu adeer u ahaa oo
Suldaanku aad u jeclaa in uu dhaxalkiisa yeesho balse Ninkii
Suldaankii oo nool taladii Reerka ku qabsaday Suldaankii oo dhacdadaa
Murti ku suuraynayaa waxuu yidhi .
Sadqo badan hadii laga baxshoo sumalo loogay
Waliyada siraatiyo hadaan culimo sooryeeyay
Hilbo solaya hadii loo dhigoo sixin ku soo shiilay
Waa siloon waqtigu saaqidoo saafi noqon waaye
Kama suulo maangaab in uu samaha diidaaye

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here