Manchester United Oo Isha Ku Haysa Shan Goolhaye Xilli Ay Ka Niyad-jabsan Yihiin David De Gea

0
33

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa isha ku haysa shan goolhaye oo ay u doonayso in midkood uu noqdo beddelka David De Gea oo laba qalad oo uu sameeyey Axaddii ay Chelsea ka caawiyeen inay u gudubto Finalka FA Cup, halka Manchester United ay waji gabax kaga soo baxday Wembley Stadium.

De Gea oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Manchester United, heshiis uu saxeexay bishii September ee sannadkii horena mushaharkiisa toddobaadlaha lagaga dhigay £375,000 Gini, waxa uu 18kii bilood ee ugu dambeeyey ku jiray waqtiyo canaan loo jeedinayo iyo xilliyo uu ku faraxsan yahay bandhiggiisa, laakiin sannadihii ka horreeyey ayuu afar jeer ku guuleystay xiddiga sannadka ee kooxda.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, Manchester United oo kaalinta shanaad kaga jirta horyaalka Premier League, haddii ay guuleysato labada ciyaarood ee u hadhayna usoo gudbi doonta Champions League, waxay durba bilowday raadinta goolhayihii u beddeli lahaa De Gea.

Inkasta oo uu Ole Gunnar Solskjaer ku adkaysanayo inuu ku kalsoon yahay De Gea, haddana waxa uu wargeysku sheegay in kooxdu ku hawlan tahay kala doorashada tan goolhaye oo uu mid ka mid ahi amaah kaga maqan yahay, waxaanay kala yihiin:

Dean Henderson – Sheffield United ayuu amaah ugu maqan yahaya waxaanu xili ciyaareedkan soo bandhigay ciyaar sarraysa. Waxa loo arkaa inuu yahay goolhayaha koowaad ee mustaqbalka dhow, waxaana soo yeedhaya dhawaaqyo lagaga dalbanayo Solskjaer inuu dib usoo celiyo 23 jirka reer England oo uu booska uga riixo De Gea.

Jan Oblak – Atletico Madrid ayuu tiix dhexaad u yahay, waxaase heshiiskiisa lagu burburin karaa 120 milyan oo Euro.

27 jirkan ayaa shabaqiisa nadiif ka dhigay 17 ka mid ah 38 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah oo uu saftay, waxaana kaliya laga dhaliyey 27 gool.

Tababare ku-xigeenkii Atletico Madrid ee dhawaanta shaqada ka tegay ee German Burgos ayaa xaqiijiyey in dalabyo laga soo gudbiyey goolhaye Oblak, waxaana maalmihii ugu dambeeyey soo baxaysay in Chelsea ay ku raad joogto.

Gianluigi Donnarumma – Goolhayahan 21 jirka ah ayey AC Milan la bilowday wada hadallo, si uu heshiis cusub ugu saxeexo, laakiin Manchester United ayaa fursad u haysata inay carqaladayso qandaraaska haddii ay qiime macquul ah la shir tagto.

Tababare Stefano Pioli ayaa dhowaan tilmaamay in Donnarumma uu fursad u haysto inuu noqdo goolhayaha ugu wanaagsan dunida, waxaana 32 kulan oo Serie A oo uu saftay uu shabaqiisa nadiif ka dhigay 12 ka mid ah.

Andre Onana – Goolhayaha Ajax oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Barcelona, waxa uu bartilmaameed u yahay Chelsea oo doonaysa inay ku beddesho Kepa Arrizabalaga oo aanu Frank Lampard la dhacsanayn, waxaanay United u geli kartaa tartan, haddii ay la shir tagto £26 milyan oo Gini iyo wax ka badan.

Unai Simon – Athletic Bilbao ayuu goolhayaha koowaad u ahaa tan iyo markii uu Kepa ka tegay ee uu Chelsea u wareegay.

Laacibkan oo qiimihiisa lagu sheegay £14.4 milyan Gini, waxa xili ciyaareedkan oo dhan laga dhaliyey 29 gool iyadoo 13 ka mid ah kulamadii horyaalka ee uu saftayna uu shabaqiisa nadiif ka dhigay.

Kaliya Thibaut Courtousi iyo Jan Oblak ayaa ka bandhig wanaagsanaa marka la eego goolasha laga dhaliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here