Majaajilayste Ajakis Oo Muqdisho Loo Mastaafuriyey Kana Hadlay Dhacdadii Uu Kala Kulmey Magaalada Hargeysa

0
25

Hargeysa(Saxilnews)Majaajilastaha Soomaliyeed ee lagu magacaabo Cabdi Muriidi Dheere [Ajakis]  oo shalay soo gaadhay Magaalada Hargeysa ayaa waxa hakiyey ciidamada Socdaalka Somaliland iyo maamulka Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeys isaga oo ugu dambayn xabsiga loo taxaabay isla markaana habeenkii xalay ahaa u hoyday Saldhig ku yaala gudaha Magaalada Hargeysa,

Majaajilayste Cabdi Muriidi Dheere [Ajakis] ayaan xukumada Somaliland saaka ka mastaafurisay Magaalada Hargeysa iyada oo dib ugu celisay magaalada Muqdisho,

Majaajilaystaha oo ka dib markii uu ka degay Madaarka Aadan cade ee Magalada Muqdisho warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in six un loola dhaqmay isla markaana uu garaacis ku sameeyey maamulaha madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa oo lagu Magacaabo Maxamed Yuusuf.

Waxaana sidoo kale sheegay in intii uu ku jirey Saldhiga ay xaaladiisa caafimaad aad u xumaatay maadaama uu leeyahay Xanuuno dhowr ah oo uu sheegay,

Dhacdadan lagu ;akay Majaajilayste Cabdi Muriidi Dheere [Ajakis] ayaa ah mid ku cusub isu socodka Somaliland iyo Somaliya iyada oo inta badan marka la doonaayo in labada dhinac la iskaga kala gudbo aan la isku xidhin wax sharci ah,balse arintani ku dhacday ajakis ayaa ah mid ku cusub dhinaca socdaalka labada dhinac.

Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Ajakis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here