Mahdi Guuleed Oo Raaligelin Ka Bixiyay Taageero Xoog Leh Oo U Muujiyay Madaxweyne FARMAAJO

0
17

Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa in uu raali gelin ka bixinayo hadalkii u hore u sheegay ee uu ku taageerayay dib u doorashada Madaxweyne farmaajo.

Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay shirka ka furmay magaalada Garowe oo ay soo qabanqaabisay Heritage ayaa waxa uu kulan ka dhacay magaalada Muqdiso ka sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wareeja 1aad ee doorashada uu kusoo bixi doono sida dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed oo ay kusoo baxeen Madaxweynayaal taageersan dowladda, kaas oo uu ka sheegay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka.

“Waxaan rabaa inaan raali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo hadal aan hore u idhi ee ahaa Wareega koowaad, arrinta wareega 1aad raali-gelin iyo xal baan ka bixinayaa, musharixiinta ha biqinina xaal ban ka bixiyay wareega 1aad garoonkana wuu noo furan yahay ee aan u diyaar garoowno doorasho nabad ah ayuu yidhi” Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa magaalada Garowe waxa uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare oo uu xifaaltan siyaasadeed kala dhexeeyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here