MAGACYADA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE DALKA ETHIOPIA + CADADKA UGU JIRA SOOMAALIDA

0
28

Etopia (Saxilnews)-mudane Hailemariam Desalegn oo mar labaad loo doortay inuu noqdo rasial wasaaraha dalkeena itoobiya hogaaminaya 5ta sano ee soo socota ayaa saaka dhisay golaha wasiirada dawlada federalka ah ee 5ta sano ee soo socota. Isagoo Raisal wasaaruhu magacaabay 23 wasiir, raisal wasaare kuxigeen, xubno leh awood Raisal wasaare kuxigeen iyo 4 boos oo sare oo leh awood wasiir. Golaha wakiilada shacabkuna ansixiyay.

12143305_10207482509931451_1756580148302224782_nRaisalwasaraha ayaa umagacaabay mudane Demeqe Mokennen raisal wasaare kuxigeen. Meesha mudane Dr. Debretsion Gebremichael oo ah wasiirka wasaarada xidhiidhka warbaahinta tiknolojiyada iyo marwo Aster Mamooo ah wasiirka wasaarada adeega shacabka ay ka leeyihiin awood raisal wasaare kuxigeen iyadoo shaqooyinkoodu kaladuwanaanayaan.

Liistada cusub ee golaha wasiirada dawlada federalka ah ee ladhisayna waa sidan:

Mudane Siraj Fegesa————Wasiirka Wasaarada Difaaca Qaranka

Mudane Dr. Tedros Adhanom—Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada

Mudane Kassa Tekleberhan——Wasiirka Wasaarada Arimaha Federalka iyo Horumarinta Miyiga

Mudane Getachew Ambaye——Wasiirka Wasaarada Cadaalada

Mudane Abdulaziz Mohammed—Wasiirka Wasaarada Iskaashiga Maaliyada iyo Dhaqaalaha wuxuu horay u ahaa madaxwayne kuxigeenka deegaanka oromiya

Mudane Tefera Deribew—Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah

Mudane Sileshi Getahun—Wasiirka Wasaarada Khayraadka Xoolaha iyo Kaluunka

Mudane Ahmed Abitew—-Wasiirka Wasaarada Warshadaha

Mudane Yacob Yola———-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga

Mudane Abiy Ahmed——-Wasiirka wasaarada culuumta iyo Tiknolojiyada

Mudane Workneh Gebeyehu–Wasiirka wasaarada Gaadiidka

Mudane Mekuria Haile——-Wasiirka wasaarada Horumarinta Magaalooyinka iyo Guriyeynta

Mudane Dr. Ambachew Mokennen—Wasiirka wasaarada Dhismaha

Mudane Motuma Mekasa——-Wasiirka wasaarada Biyaha Waraabka iyo Korontada

Mudane Shiferaw Shigute——Wasiirka wasaarada waxbarashada

Mudane Tolosa Shagi—–Wasiirka wasaarada Macdanta Batroolka iyo Gaaska Dabiiciga ah

Mudane Dr. Keseteberhan Admasu—-Wasiirka wasaarada Caafimaadka

Mudane Abdulfetah Abdulahi–Wasiirka wasaarada Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada

Marwo injineer Aisha Mohammed–Wasiirka wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska

Marwo Zenebu Tadesse——–Wasiirka wasaarada Haweenka iyo Caruurta

Mudane Dr. Shiferaw Teklemariam—Wasiirka wasaarada Bay’ada Horumarinta Kaymaha iyo isbadalka Cimilada

Mudane Redwan Hussein—-Wasiirka wasaarada Dhalinyara iyo Cayaaraha

Marwo Demitu Hambisa—–Wasiirka wasaarada Shirkadaha

4ta boos ee sare ee raisal wasaaruhu magacaabayna waxay leeyihiin awood wasiir. Waxayna kala yihiin sidan: mudane Beker Shale oo ah maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga,mudane Getachew Reda oo ah madaxa xafiiska arimaha xidhiidhka dawlada, mudane Asmalesh Woldiselase iyo mudane Dr. Yineger Dessie oo ah chief government whip and commissioner of national plan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here