magaalooyinka waa weyn ee Yurub oo la adkeeyay ka hor dabaal dega sanadka cusub

0
28
Attached are some pictures you may be interested in? I could only get within about 1/2 a mile of the action so some pictures have heat haze problems, with all of the action in Syria and Iraq at the moment. I’m told from a source, but can’t confirm this in any way at all, that the training was taking place due to the very real possibility that these guys will be heading into Syria/Iraq.

Wararka (Saxilnews.com)-Ammaanka inta badan magaalooyinka waa weyn ee Yurub ayaa si aad ah loo adkeeyay, suurta galnimada weeraro argagixiso oo lagu soo beego dabaal dega sanadka cusub.

Belgium ayaa baajisay dabaal degyadii sanadka cusub ee lagu qaban jiray fagaarayaasha magaalada Brussles, kadib markii la soo saaray digniin la xiriira weeraro argagixiso.

Ra’iisul Wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa sheegay in go’aanka lagu baajiyay isu soo baxyada dabaal dega sanadka cusub uu ka dambeeyay kadib markii ay warbixino heleen.

Magaalooyinka Paris, London, Berlin iyo Moscow ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo sugaya ammaanka la dhigay wadooyinka.

Horaantii todobaadkan ayaa Booliska Austria ka digay weeraro argagixiso oo lagu qaado magaalooyinka waa weyn ee Yurub, xilliyada fasaxa.

Booliska Austira ayaa sheegay in warkaas uu ka helay ilo sirdoon oo saaxib la ah, waxaana sare loo qaaday ammaanka magaalooyinka Yurub.

Arbacadii ayaa Ciidamada Booliska Turkiga ay xireen labo ruux oo looga shakiyay inay xubno ka yihiin Daacish, iyagoo diyaarinayay weeraro ay ka geystaan magaalada Ankara, inta lagu guda jiro dabaal dega sanadka cusub.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in labadaas ruux ay qorsheynayaan labo weerar oo ay ku qaadaan goobaha dadka ku badan yihiin, iyadoo la qabtay jaakadaha qaraxyada iyo aalado kale.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Paris ee bishii November ammaanka magaalooyinka Yurub ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro suura gal ah in Kooxda IS ka geysato dalalka Yurub.

fpnw_SBS manoeuvres raf valley _020.jpg

 

 

 

Attached are some pictures you may be interested in? I could only get within about 1/2 a mile of the action so some pictures have heat haze problems, with all of the action in Syria and Iraq at the moment. I’m told from a source, but can’t confirm this in any way at all, that the training was taking place due to the very real possibility that these guys will be heading into Syria/Iraq.
Attached are some pictures you may be interested in? I could only get within about 1/2 a mile of the action so some pictures have heat haze problems, with all of the action in Syria and Iraq at the moment. I’m told from a source, but can’t confirm this in any way at all, that the training was taking place due to the very real possibility that these guys will be heading into Syria/Iraq.

WWW.SAXILNEWS.COM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here