Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo geeriyooday

0
18
Daniel arap MoiLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDaniel arap Moi ayaa madaxweyne ka ahaa Kenya intii u dhexeysay 1978 to 2002

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi.

Sidoo kale wiil uu dhalay Moi oo lagu magacaabo Gideon Moi ayaa sheegay in madaxweyne Moi uu geeriyooday saaka aroortii, waxaana uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay.

Moi oo da’diisu ay ahayd 95 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002.

Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Moi oo da’ ah ayaa dhowr jeer la seexiyay isbitaalka Nairobi hospital ee Magaalada Nairobi, waxaana muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladiisa caafimmaad.

Kenyan President Daniel Arap Moi shown in a picture dated 4 January 1988Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweyne Moi, oo magaalada Nairobi kula sawiran ra’isalwasaarihii hore ee UK Margaret Thatcher sanaddii 1980

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, waxaa uu na kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya.

Moi ayaa inta uusan madaxweyne noqonin waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeen sannadkii 1967-dii, waxaana xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay sanadkii 1978.

Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan.

Moi ayaa la filayaa in aas qaran loogu sameeyo Kenya maalmaha soo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here