Madaxweyne Trump Oo Loo Qaaday Cisbitaalka

0
17

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cisbitaal oo qaaday wax ka yar 24 saacadood kadib markii laga helay cudurka coronavirus.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.

Mr Trump – oo qandho qabay – ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Jimcaha isaga iyo marwada koowaad Melania Trump in laga helay Covid-19.

Aqalka Cad ayaa sheegay inuu dareemayo “daal laakiin niyaddiisu ay aad u sarrayso” uuna la kulmayo astaamo khafiif ah.

Warkan ayaa imanaya bil uun ka hor doorashada madaxtinimada, halkaas oo uu ku wajihi doono Joe Biden oo ka tartamaya xisbiga Dimuqraadiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here