Madaxweyne Trump Oo Isbitaalka Uga Soo Baxay Si Uu U Salaamo Taageerayaashiisa

0
16

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka cisbitaalka lagu daaweynayay.

Madaxweynaha ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha.

Mr Trump, oo lagu dhaliilay sida uu u maareeyay cudurkan safmarka ah, ayaa sidoo kale sheegay inuu wax badan ka bartay viruska.

Dr Conley wuxuu tan iyo sannadkii 2018 ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Trump

Xaalada caafimaad Ee Madaxweyne Donald Trump ayaa soo wanaagsanaanysa kadib markii laga helay cudurka Korona waxaana laga yaaba in Maalinta isniinta cisbitaalka laga saaro, sida uu sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah.

Dr Sean Conley ayaa sheegay in hoos u dhacday markii labaad heerka nefsashada ee Mr Trump waxaana lagu bilaabay daawo lagu magacaabo dexamethasone.

Madaxweynaha ayaa lagu xiray qalabka lagu nefsado hal mar oo keli ah tan iyo markii cudurka korona laga helay, waxaa sidaasi yiri Dr Conley oo fahfaahin ka bixinayay hadallo sualo ka dhashay oo horey dhaqaatirtu u sheegayn.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay ” wax badan ayaan ka bartay cudurka Covid.Iskool ayaan u galay, tani waa xaaladda dhabta ah ma aha wax bugaagta laga dheehan karo, wuu igu dhacay waana fahamsanahay, waa wax la yaab leh. Marka aniga ayaa idinkaga dhici doona qisada” ayuu Trump ku qoray twitterkiisa.

Sabtidii, muuqaalka madaxweynaha uu soo dhigay bartiisa Twitter -ka ayaa waxaa laga dheehan karay Trump oo xiran jaakat suut ah oo aanu wehlin taayga. Waxa uu u mahad celiyay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha xaruunta caafimaad ee Walter Reed.

“Halkan waxaan imid aniga oo ay xaaladdaydu caafimaad wanaagsanayn balse haatan waxaan dareemayaa isbeddel caafimaad,”ayuu yiri.

Maalmaha inagu soo wajahan waxaan filayaa iney noqon doonaan kuwa adag. Waanu arki doonnaa waxa dhaca dhowrka maalmood ee soo socda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay inuu doonayay inuu dib ugu laabto ololihiisa doorashada. Trump ayaa doorashada 3-da Nofeembar la tartami doona musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee Joe Biden.

Baaritaankiisa cudurka Covid-19 ee uu Jimcihii ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, ayaa waxa ay hakisay ololihiisa sidoo kalana waxaa shaki laga muujiyay iskudaygiisa uu ku doonayo in shaqada lagu siiyo xaakimka cusub ee Maxkamadda dalkaas ugu sarraysa ka hor inta aanan codbixinta loo dareerin.

Covid-19 ayaa halis gaar ah u lahaan kara madaxweynaha oo 74 sano jir ah aadna u cayilan. Waxaa ilaa iyo hadda lagu daweeyay dawo tijaabo ah oo loogu talagalay fayraska korona balse aan wali la ansixinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here