Madaxweyne Siilanyo Oo Aan Wali Laba Gole Baarlamaan Ka Jeedin Khudbadii Distooriga Aheyd , Xili Dalku Ku Jiro Xaalado Adag Oo Abaartu Ugu Horeyso .

0
20
????????????????????????????????????

Hargeysa (Saxilnews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaailaa iminka oo ay bishii Afraad lagu jiro aan labada gole baarlamaan ee dalka aan ka hor jeedin khudbadii distooriga aheyd ee sanadlaha aheyd .

Image result for Madaxweyne Siilaanyo Oo Baarlamaanka U Jeediyey

Madaxweynaha ayaa maalintii uu golahaasi ka ansixinaayey heshiiska ay xukuumadiisu la soo gashey dawlada Imaraadka ee saldhiga Ciidan ka sheegay madashii ay xildhibaanadu fadhiyeen in uu dib u dhigtey khudbadiisii Distooriga aheyd isla markaana uu jeedin doono .

 

Sanadadii u danbeeyey khudbada madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay ku soo beegmi jirtey bilaha ugu horeeysa sanadka , balse la garan maayo sababta ilaa hada aanu madaxweynuhu golaha hor imanin , iyada oo ay dalka ka taagan yihiin xaalado adag oo abaartu kow ka tahay .

Sido kale Somaliland waxaa sanadkan ku soo fool leh sida la qorsheeyey doorashadii madaxtooyada , waxaana ay bulshadu u dheg tagayaan arimahaas taagan waxaa uu madaxweyne Siilanyo ka odhan doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here