Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiirkii Ugu da’da Yaraa Ee Taariikhda Somaliland Soo mara.

0
32

Berbera (Saxilnews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Maanta Mar kale isku Shaandhayn Kooban Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada ayaa magacaabay Wasiir Ku Xigeenkii Ugu Da’da yaraa ee Taariikhda Somaliland Soo mara.

Madaxweynuhu isagoo Gudanaya Waajibaadkiisa distuuriga ah ee uu awooda u siiyay sharciga dalku inuu isku bedelo xilka ka qaado kuwo cusubna magacaabo golihiisa dowlada, waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta uu magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaashaan dhiga Somaliland Oo Uu U Magacaabay Maxamuud Warsame Jaamac Oo Hore uga Mid ahaa Golaha Deegaanka ee Degmada Ceerigaabo isla markaana ahaa Xildhibaankii ugu da’da yaraa ee somaliland soo mara.

Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu ka mid yahay Dhalinyarada ugu saamaynta badnayd Magaalada Ceerigaabo waana shakhsi kalsooni badan ka haysta dadka deegaankiisa ama besha uu ka soo jeedo iyo weliba dhalinyarada gobolka sanaag oo uu ahaa rukun muhiim ah oo miisaan ku dhex leh.

Waana masuul gudan kara waajibad kasta oo dowli iyo xil kasta oo loo magacaabo.

Hore ayuu madaxweynaha Somaliland  u magacaabay agaasimihii ugu da’da yaraa taariikhda somaliland oo uu u magacaabay wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta somaliland.

Bahda Shabakada Caalamiga ah ee Barkulannews, waxay hanbalyo u diraysaa Wasiir Maxamuud Warsame oo ay ilaahay uga baryayso inuu u fududeeyo xilka qaran ee madaxweyne siilaanyo u igmaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here