MADAXWEYNE SIILAANYO OO BADHASAABKA CEERGAABO U MAGCAABAY SHAKHSIGII BEESHIISA UGU CUNSURIYADA IYO QABYAALADA BADNAA + DAREENADA KACDOONKA BULSHADA CEERGAABO

0
33

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Xalay saqdii dhexe digreetadii isku shaandhaynta badhasaabada gobolada dalka qaarkood kusoo daray Nin lagu magcaabo Axmed Cabdi Falay oo kasoo jeeda beesha madaxweyne Siilaanyo ee Bariga Burco una magcaabay badhasaabka Cusub ee Gobolka Sanaag, taaso bulshoweynta reer sanaag gaar ahaan beelaha gobolkaasi dega isla maantaba ay kasoo celiyeen dareemo kakan oo ka midaysan diidmada ay kaga soo horjeedaan qabyaalada qaawan ee madaxweynuhu beeshiisa ugu xantoobiyey %90 xilalkii gobolkaasi.
Badhasaab falay ayaan lahayn habayaraate taariikh shakhsiyadeed oo wanaag la hal-maasha, falay waxa uu wakhti hore soo ahaa maayar kuxigeenka magaalada burco kaaso qadiyada kala qaybinta bulshada burco ku dhamaystay mudo xileedkiisi kuxigeenimo, Falay waxa uu kamid yahay xubnaha xisbiga kulmiye ugu jira beesha bariga burco, waxaanu dhawaan isu soo sharaxay xildhibaanadii golaha deegaanka burco isagoo ku guul daraystay inuu kamid noqda golaha degaanka magaaladaasi kadib kolkii uu kalsoonid beeshiisa ka helay tirada codad gaadhay 106 halkaasina ku hadhay tiro liidata.
Badhasaabka Siilaanyo u magcaabay ceergaabo ayaan Caadiyan Maskax ahaan u caafimaad qabin, sidoo kalena saaxiib u ah fudayd iyo qabyaqalada qaawan oo aanu gole iyo guri hoostii midnaba qarsan.
Falay malaha aqoon maadi iyo diini midnaba kolka laga reebo far hunguri iyo ku tiirsanaanta qabyaalada Indhaha la’.
Magcaabista Falay ayaa noqotay mid maanta fajiciso ku noqotay beelaha Ceergaabo oo awalkii horeba layaabanaa ficilada foosha xun ee Madaxweyne siilaanyo gobolkaasi hal mar ugu wada magcaabay beeshiisa.
Awood qaybsiga Xilalka gobolkaasi ayaa kolka laga reebo wasaarada, ilaha dhaqaalaha, lamaaha iyo waaxyaha ciidamada kala duwan waxaa beesha madaxweynaha hore usii hayeen xilalka kuwooda ugu miisaanka iyo awooda badan oo ay kamid yihiin, 1-Taliyaha Ciidanka Booliska 2-Taliyaha Ciiidanka Asluubta 3- Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka 4-Gudomiyaha Maxkamada Degmada 5-Xeer ilaaliyaha Guud Ee Gobolka, Maxkamada Ciidamada waxaana Xilka Falay ee xalay Siilaanyo beeshiisa ugu deqay Noqonayaa tirada guud ee xilalka sanaag Xilkii Todoba iyo lixdanaad.
Indho La,aanta xukuumada, Damaca beesha Siilaanyo, iyo Xishoodka la’aanta hogaanka dalka ayaa u muuqda mid meesha ka saari doona xasiloonidii iyo amnigii beelaha sanaag, waxaana Badhasaab Falayga aan Maskax ahaan fayoobayni maanta ceergaabo ka dhex abuuray xiisado qalafsan oo jawigooda samaha ka dheer yahay.
C/risaaq Yusuf Cali “Terra”falay1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here