MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SAFAR UGU BAXAY DALKA ITOOBIYA IYO UJEEDADA SOCDAALKIISA

0
14

Hargeysa(saxilnews.com)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa kadib, martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda dalka Itoobiya.
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo diyaarad khaas ah ka raacay madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire,iyadoo ay ka sii horeeyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ataash iyo Ergayga Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyada Somaliland Dr Edna Aadan.
Booqashadan rasmiga ah ee Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay dalka Itoobiya aya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal iyo xoojinta horumarka iyo nabadgalyada Geeska Afrika.

 

saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here