Madaxweyne Geelle Oo Caddeeyey Mowqifkiisa Xidhiidhka Dalalka Carabta Iyo Israa’iil

0
17

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hor-yimid xidhiidh diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dalalka Jaamacadda Carabta ay la yeeshaan Yuhuuda.

Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xidhiidhka dalalka Imaaraadka, Baxreyn ay la gaadheen Yuhuuda ayaa sheegay inuu u arko mid baal marsan heshiiskii 2002 ee Beirut oo dhigayay in heshiiskii nabadda laguna muujiyay in dalalka Carbeed ay soo celinayaan xidhiidhka Yuhuuda haddii ay ogolaadaan in Israa’iil iyo Falastiin noqonayaan laba dal oo jaar ah, gumeysigana ay joojinayaan.

Mr. Geelle ayaa sheegay inay weli ku taagan yihiin hindisihii ka yimid 2002 Boqor Cabdalla Sacuudiga ee geeriyooday, wax ka baxsana ayna hadda Jabuuti ahaan aqbaleyn.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka heshiiska iyo xidhiidhka la yeeshay Yuhuuda ay dantooda u arkeen heshiis ay la yeeshaan Yuhuuda.

“Wadamo dantooda u arkay inay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil ayaa jira, dadka Falastiina wey jirayaan, hadafkoodana mar uun rey gaadhayaan weyna xoroobayaan, annagana hadafkeenii hore ayaa weli ku taaganahay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti.

Dalalka Isutaga Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Mareykanka la galeen Yuhuuda, waxaana heshiiskaasi inta badan cambaareeyay dalalka Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here